CAYNABA: Taageerayaasha Urur-siyaasadeedka Wadani oo si weyn u muujiyey Awooddoda

Caynaba, 25 March, 2012 (SLpost)-Boqolaal ka tirsan taageerayaasha urur-syaasadeedka Waddani ayaa saaka isugu soo baxay bannaanka weyn ee koonaha  magaalada Caynaba ka dib markii ay xaruntii uu ururkaasi ku lahaa magaalada Caynaba ay ka fara bateen.

Tirokoobka ururrada siyaasadda  ee guddiga diiwaangalinta oo ay saaka u ahayd maalintii ugu dambeysa ururada siyaasadda isu diiwaangaliyey, waxaa ilaa xalay galinkii dambe  ka socday abaabulka iyo kala qaybsiga dadweynaha gobolka Saraar magaalo-madaxdiisa Caynaba.

Xarunta ururka Waddani oo ku taala Cidhifkja Bari ee magaalada waxa isla markiiba soo camiray kumanaan ka tirsan dadweymaha deegaanka Caynaba oo ku soo labistay astaanta iyo Calanka ururku leeyahay iyada oo aanay u kala hadhin Dumarka, dhalinarada, culimada iyo ardayda dugsiyada iyo guud ahaanba qaynaha kala duwan ee bulshda gobalka Saraar kuwaas oo si xamaasadaysan u muujiyey taageerada ururka Waddani.

Madaxda ururka Waddani ee ku sugnaa goobtii ay hawsha madax-tirintu ka socotay ayaa dad weynaha ku wargeliyey in taageeraasha ururka ka badan yihiin tiradii laga rabay urur kasta oo ahayd 200 oo taageere, iyaga oo xusay inay taageerayaasha fagaaraha isugu soo baxay gaadhayeen tiro ku dhow ilaa kun.

Gobolka Saraar magaalo-madaxdiisa Caynaba ayaa ahayd meeshii ugu dambaysay guddiga diiwaan-gelintu ku soo gunaanadayaan hawl-galkooda madax-tirinta taageerayaasha ururka cusub ee quud-darraynaya ka-qayb-galka doorashooyinka Golayaasha Deegaanka, waxaana guddiga hawshan loo xilsaaray maalmaha soo socda laga sugayaa shaacinta natiijada qiimaynta ay ku sameeyeen ururrada siyaasadda.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net