‘Cayaaryahanada kubadda kolayga Somaliland waxay ka qayb-galayaan Tartanka caasimadaha Bariga Africa’

Anigoo ah Hassan Waraabacadde waxaan u mahad celinayaa xukuumadda uu garwadeenka ka yahay madaxweeyne Siilaanyo  sida sharafta  iyo qadarinta mudan ee aay wax uga qabteen ka qaaybgalka Tartankan muhiimka u ah dhalinyaradda Kubadda kolayga Somaliland gaar ahaan Caasimadda Hargeisa City .

Hawshan oo aan bilaabay sanadkii tagay anigoo kaashanayay rag ka mida asxaabta bahda sportiga ee aanu qurbaha kuwada nooleeyn isna tusaaleeynay baahida dhalinyaradda Somaliland sidii aay fursad ugu heli lahaayeen ka qaaybgalka tartamada muhiimka ah si looga qaaybqaato ka midho dhalinta himilooyinka sportiga Somaliland, hawshaas oo sanadkii hore kalin weeyn aay igala qaateen sxiibaday kala ah Eng Baana Ali oo ah madaxa suuqgeeynta bariga iyo bartamaha afrika iyo Cabdulkaadir Cadday oo ah rug cadaa sporti degena dalka England ayagoo isla sanadkana kaalin weeyn igala qaatay mahad gaar ahna aan u celinayo madaxda qabanqaabada sanadkan oo dadaal badan ila garab staagay waxaa kaloo hawshan markaan bisleeyay gacanta ka galiyay Gudoomiyaha X.K.k. Somaliland Mudane Maxamud oo hadh iyo habeenba aan wada xiriiraaynay ,runtii waxaan hubaa in Wasiirka Cusubi Mudane Cali Reegal uu kaalin muhiima ka qaatay dhameestirka hawsha isagoo kala hawlgalay dhalinyaradda kharashka safarka oo aan laanteed waxba hirgaleen.

Waxaan kaloo mahad gaara u celinayaa Marwo Amina Waris marwada koowaad oo aan si gaar ah ugu bayaamiyay intii aay joogtay safarkii taariikhigaee London  iina balan qaaday in aay ka hawlgalaayso runtiina ah qof jecel in dhalinta loo huro wax walba.

Ugu dambeeyntii waxaan umada reer Somaliland ee k u nool caasimadda Uganda ee Kampala ka codsanayaa in aay si xarago leh u soo dhaweeyaan kooxdaas imanaayso dalka Ugandha oo noqon doonta kooxdii u horeeysay ee calanka Somaliland ku cayaarta magaceeda waxaay u baahan yihiin taageeradiina si joogta ah .

Mahadnaq gaar ah bahda sportiga Norway iyo Sdwo England

Saaxiibadii hawsha igala waday gudaha sida

Sheekh Maxamed Dhabeeye

Faysal Muse Ildab

Maxamed Barawaani

Cabdi kariim yare

Nuux iyo Henery

Ahmed Dhego

Mustafa Qodax Agaasiimaha iyo inta kale ee aanan hadda xasuusan.

Alaa mahad leh

Xassan waraabacadde