CAWAR XAREED oo ka mid ah Eedaysanayaasha Dilkii ka dhacay deegaanka Seemaal oo ciidamada Boolisku gacanta ku dhigeen

Gabiley, 25 February, 2012 (SLpost)- Ciidamada Booliska gobolka Gabiley oo taageero ka helaya ciidamada Qaranka JSL, ayaa maanta abbaaro 2:00 duhurnimo Gacanta ku dhigay Mid ka mid ah eedeeysanayaasha dilkii foosha xumaa ee ka dhacay deegaanka Seemaal ee u dhexeeya magaalooyinka Gabiley iyo Baki.

Taliyaha Ciidamada Booliska ee gobolka Gobolka Gabiley Ismaaciil Rashiid Maxamuud oo aanu khadka Telefonka kula xidhiidhney si aanu u xaqiijinno, ayaa noo xaqiijiyey inay gacanta ku dhigeen Maxamed Maxamuud Cawaale oo loo yaqaano Cawar Xareed isaga oo ku sugan guri ku yaala magaalada Gabiley isla markaana aanay cidi ku wehelin.Taliyuhu waxa uu sheegay in markii ay ka war heleen inuu guriga ku sugan yahay ay ciidanka boolisku ku guulaysteen inay gacanta ku dhigaan.

Taliye Ismaaciil waxa u sidoo kale sheegay in ciidanka boolisku ay iska-caabbin kala kulmeen ninka eedaysanaya ah oo ka hor intii aan gacanta lagu dhigin balse aanu jirin wax khasaare ah oo soo gaadhay labada dhinac.

Waxa kale uu Taliyuhu Sheegay in eedaysanaha ay isla markiiba ku wareejiyeen ku-simaha Taliyaha Ciidanka Booliska loona soo qaaday dhanka magaalada Hargeysa. “Markii aanu qabanay waxaanu si dhakhso ah gacanta ugu galinay ku-simaha taliyaha Booliska oo magaalada Hargeysa u qaaday,” ayuu yidhi Taliye Ismaaciil.

Eedaysane Cawar Xareed iyo koox kale oo ku eedaysan inay ka dambeeyeen dilkii ka dhacay deegaanka Seemaal ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey ciidamada boolisku ku daba-jireen soo-qabashadooda iyada oo hore loogu guulaystay in gacanta lagu dhigo qaar ka mid ah.

Dhacdada dilka ee deegaanka Seemaal oo ahayd mid aad u fool xun oo dhammaan shacbiweynaha Somaliland ka dambqadeen ayaa wakhti habeennimo ah loo geystay saddex marxuum oo qaraabo ahaa wakhti ay hurdeen, waxaanay dhacdadani ku sigatay inay keensato isku dhac dhex maray laba beelood ee walaalo ah deegaan ahaana is-ood xiga.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net