Casuumad Soo Dhaweyn Ah Oo Magaalada Hargeysa Loogu Qabtay Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Gudaha Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Casuumad ballaadhan oo uu fidiyey Suldaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Aw Good, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur).

Casuumadan qada-sharafeedda ahayd oo ka dhacday hotel KAAH ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qaybgalay wasiirro, xildhibaanno, salaadiin, cuqaal. ganacsado, wax-garad, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale oo aad u tiro badan oo dhammaantood ka soo kala jeeda deegaannada Habar-yoonis.

Suldaan Cabdraxmaan Cabdilaahi oo aanu wax ka waydiinay casuumadda, ayaa yidhi “Hotelkan KAAH ee magaalada Hargeysa waxa aanu maanta isugu nimi casuumad qado-sharafeed ah oo suldaan ahaan anigu aan fidiyey, taas oo aanu u samaynay wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur).”

Waxa uun intaa raaciyey Suldaanku oo uu yidhi “Marka hore waxa aanu ilaahay uga baryeynaa wasiirka cusub inuu xilka ku asturo. Marka labaad waxa aanu madaxweynaha Somaliland uga mahadcelinaynaa xilkaa uu u macagaabay Duur. Waxa aanu leenahay madaxweyne waad asiibtay inaad magacawdo nin bulshaawiya, firfircoon oo reerka ah.”

Waxa uu sheegay inay beel ahaan soo dhawaynayaan wasiirka cusub, “Beel ahaan waanu soo dhawaynaynaa wasiirka cusub, waana aanu u ducaynaynaa lana shaqaynaynaa. Casuumaddan waxa ka soo qaybgalay dad badan oo gaadhaya ilaa 70 qof. Inta aanu casuunnay iyo in kale oo badaniba way ka soo qaybgaleen. Dadkanina waa muraayadii reerka oo waxa ay isugu jiraan salaadiin, cuqaal, ganacsato, wax-garad. Waxaana ay ku tusinaysaa ahmiyadda loo hayo soo dhawaynta wasiirka. Waxaana aanu ilaahay uga baryeynaa inuu xilka ku asturo kana dhigo kii dalkiisa iyo dadkiisa anfaca.” Ayuu yidhi Sudaal Cadbiraxamaan.

Guud ahaan dadkii kala duwan ee ka hadlay casuummada qado-sharafta ah, ayaa isaga dambeeyey inay si kal iyo laab ah u soo dhawaynayaan wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur), iyaga oo halkaa ka caddeeyey inay la shaqayn doonaan wasiirka isla markaana ilay ugu baryayaan inuu xilka u fududeeyo.

Somalilandpost.net

Somalilandpost08@gmail.com

Hargeysa, Somaliland