Caruur Kubad Looga Dhigay Madax Qof Laga Jaray

Aduunka(SLpost)-Warbixin ay Qaramada Midoobay taagereyso, ayaa ka digtay in kooxda IS ay maskaxda ka dhaqeyso carruurta ku nool dhulka ay ka taliyeen, si ay u noqdaan jiil cusub oo argagixiso ah, kuwa isqarxiya, basaasiin iyo kuwa dilalka fuliya.

Warbixinta oo loo bixiyay Carruurta Khilaafada Islaamka, ayaa sheegeysa in xagjiriinta ay dagaalka caadi uga dhigayaan carruurta, iyagoo tusinaya dilal iyo inay kubbad ka dhigtaan madaxyo la jaray.

Baarayaasha ayaa ogaaday in loo arko carruurta ku kortay dhulka IS kuwo ka nadiifsan tababarayaashooda oo isu arka in ay qaribeen dhaqamada cilmaaniga.

Warbixintan oo ay sameeyeen ururka Quiilim oo fadhigiisu yahay London iyo Romeo Dallaire oo Canada ah, ayaa arbacada lagu soo bandhigi doono barlamaanka Britain.