Carruurta Derbi-Jiifka ah – QALINKII HIBO CIISE

HIBO ESSEHordhig

Derbi-jiif sida laga soo dheegan karo magaca waa qof derbiyada u hoyda amaba aan hoy laheyn, meel kasta oo aduunkan ka mid ahna way jiraan cid derbi jiif ku ah, ha sababaan duruufo dhaqaale iyo xanuunada dhimirka labaduba amaba hawlo kaleba, taasna waxaa kuu cadeyn kara wadamada dhaqaalahoodu koreeyo ama sida la sheego ah dunida koowaad waxaad ku arkeysaa umado dhan oo derbiyada iyo wadooyinka hareerahoodu hoy u yihiin oo dhaxamaha iyo dabeyluhu korkooda ku idlaadaan.

 

Derbi-jiifku laftiisu wuu sii kala halis baden yahey oo caruurta iyo dhalinyarta ay gidaaradu hoy iyo hu,ba u yihiin waxey la darsaan xaalado qalafsan oo ku sababa iney noloshooda oo dhan saameeyaan halka dadka waayeelka ah ay ka halis yaryihiin.

 

Maxaa keena Derbi Jiifnimada

Derbi jiif inuu qofku noqdo waxa ku kalifa qoddobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin:-

 

Saboolnimo: Saboolnimadu waxey qeyb libaax ka qaadataa iney kordhaan derbi-Jiifku, iyadoo marka uu qoysku awoodi waayo iney daboolaan baahiyahoodii aas-aasiga ahaa caruurta loo diro iney suuqa kasoo shaqeystaan sida iney gawaadhida maydhaan, kabaha baalasheeyaan (caseeyaan), Kirishboy noqdaan, amaba waxkale oo aan dhaamin, taas oo ay hadhaw ku danbeeyaan iney la saaxiibaan caruurta derbi jiifka ah oo ay xabagta ku nuugaan gidaarada, ugu danbeyna ay si rasmi ah ugu soo biiraan kooxahaa markooda horeba derbiyada u hoyan jirey.

 

Burbur Qoys: Furniinku waxa uu ka qeyb qaata dayaca ugu badan ee ku dhaca ubadka, kaas oo la ilaabo xaqii iyo xuquuqdii ubadku ku lahaayeen walidkooda, arinkooduna noqdo mooyi iyo maan arag, marka meel lagu haleeyaba la garan waayo, waxaan taa iyana ka fogeyn in marka ay labada qof kala tagaan qof walba calafkiisa raadsado, dabadeedna qofka kale ee uu nolosha la wadaagey aanu ilmihii uu lamaanihiisu horey u watey siinin ahmiyad badan.

Tusaalayaasha nool eed aragtid waxa kamida, gabadh guursatey nin kale kadib markey kala tageen ninkeedi hore iyadoo wadatey ilme ay udhashey ninkii hore, dabadeedna ninkan danbe uu ilmihii si arxan daran u tumo haddiiba uu qalad yar amaba qalooc yar keeno, waxaa taa kasii daran iyana nin ay is fureen gabadh hore oo mid danbe guursadey isagoo watey caruur ay gabadhaa hore u dhashey dabadeedna ay tii danbe caruurtii si naxariis daran ula dhaqanto oo aaney cuntaba siin garaacis iyo hawl joogto ahna ugu darto. Haa, Maaha arin uguba oo bulshadeena in badan waynu ku aragney, aakhirkana ay firdhadaan caruurtaasi iyagoo dibjirta iyo derbi jiifka la qoys noqonaya.

 

Guurka Badan (Polygamous Marriege): in la guursado mid, laba, saddex iyo afar dumara diinteena suubani way baneysay, laakiin waxaan iyana meesha ka madhneyn in ay muhiim tahey in loo meel dayo marka la qaadayo talaabooyinkan oo dhan, waa in aad loo darsaa xaalada dhaqaale ee uu qoysku ku sugan yahey iyadoo ubadka iyo ooridana waxey xaq iyo xuquuqba u leeyihiin aan laga hagran.

Haddaba waxa jirta in ay Rag badani iska guursadaan iyadoo ubadkoodii aan dab loo shidin, dan iyo heelona aaney ka galin waxey ku sugan yihiin, xaladaana ay qarqarka u saaran yihiin iney derbi jiif iska noqdaan.

 

Khilaaf Qoys: ubadka yar yar maskaxdoodu sida ay u curdinka u yihiin baaney waxbadan u ogeyn, balse haddii uu bato buuqa iyo qeylada joogtada ah ee dhex marta waalidkooda iyo weedhaha ixtiraamkii iyo naxariistiiba laga xayuubiyey oon dhagaha looga duweyn, waxey ku keenta iney maskaxiyan u xanuusadaan, dabadeedna ay qaarkood kaba baxsadaan guryahooda iyagoo gaboodsada gidaarada iyo wadooyinka.

 

Nolosha caruurta Derbi Jiifka ah

Caruurta aadka u yar yar ee aan haysan hoy iyo hu, toona ee ah derbi-jiiftu waa kuwo aad kuu saameynaya markaad u fiirsatid indhahana la raacraacdid nolosha ay ku nool yihiin.

Bal aynu dhawr qodob ka taabano xaalada ay ku sugan yihiin ubadkaasi.

 

Cuntadooda: ma helaan saddex wakhti oo ay ku xisaabtamaan waa waawalba wuxuu ugu baryo, iyo hadba sida loo kala awood roonyahey xaalku. Waxey alaaba quutaan cuntooyinka hadhaaga ah ee ay hudheeladu iska soo qubaan iyo qashinada kale ee meelaha yaala wixii ay ka dhex helaan. Maalmaha qaarna waxaaba dhici karta inaaney qaarkood afkaaba wax galin, cuntooyinka dhacey ee lasoo qubo ayey marmarka qaar kala boobaan iyagoon u aabo yeelayn waxyeelada ay ku sababeyso, Maxaabu ugu fiirsan gaajaaba naftu kasii baxeysaabee, lakiin cuntada waxaaba kala qiimo badan iyaga iney helaan xabag ay maalintaa nuugaan taasi ayeyna sida badan siistaan lacagta yar ee ay qaarkood soo shaqeysteen.

 

Hoygooda: Ubaxa daranyeysan ee ay bacadka iyo siigadu isku qabteen cago-cadaanta ku joogaa waa mid laga naxo. ma haysataan hoy ay kaga dhuuntaan bahalaha, cadceeda iyo dhaxanta toona Cirkey huwadaan dhulkana way gogladaan waaba tabtii Cali qaawane.

 

Caafimaadkooda: xaalada caafimaad ee ay ku sugan yihiin waa mid aad looga deyriyo, waxey da, yaraan ku bilaaban dhuuqista maandooriyayaasha, waxey quutaan cunto qashinada laga soo ururiyey amaba hanbo cid kasta kasoo hadhey, aadbey ugu nugul yihiin iney qaadaan cuduro badan, ku darsoo dhaxamaha bustaha kaaga soo gudba ee aad ka seexan waydo ayey u feedho qaawan yihiin amaba ay kartoon iyo go, xun oo hun ah iska saaraan, dhaxan iyo TB bay hore ka qaadaan.

Halka hooyooyinka derbi jiifta ah aaney helin xanaanadii looga baahna iney Hooyadu hesho si ay iyada iyo ilmaheeduba u badbaadan, taasi oo keenta xaalada badan oo bini aadantinimada ka baxsan.

 

Tacadiyada lagula kaco caruurta derbi jiifta ah.

Derbi jiiftu waxey iskugu jiraan wiilal iyo gabdho halka ay gabdhuhu hadda si xawli ah ugu soo kordhayaan, idil ahaantoodna waxa lagula kacaa tacadiyo badan oo ay ka mid yihiin.

 

Kufsi: waxa jira kiisas badan oo kufsiyo loogu gaystay gabdhaha yar yar ee derbi jiifta ah, ha noqdaan kuwo uga yimaada derbi jiifta kale amaba dadka kale ee ka faa,iidaysanaya dayacaa ku yimi, waxa ay qaar badani u qudh baxaan falal foolxun oo kufsi ah oo lagula kacey gar iyo mag la,aana way ku dhintaan.

Halka ay qaar kalena ka dhaxlaan ubad aaney aqoon u laheyn cid dhashey, iyagoo la mara duruufo adeg “ bal qof tiisii u taag la, oo tu kalena loogu darey ka waran”, waxaa iyana halkaa lagu faafin karaa AIDSka oo kamid ah cudurrada alaaba layskugu gudbiyo galmada, kaasi oo si fudud bulshada ugu baahi kara haddiiba aaan wax laga qaban tacadiyadaas lagula kacayo hablaha yaryar ee darbi-jiifta ah

 

Dilal ula kac ah: waxa dhaca shilal baabuur oo ay ku dhintaan caruur derbi jiif ah oo aan su,aalba leyska waydiin halkey ku danbeeyeen iyo waxa laga yeelay toona, mararka qaarna waxaabad arkeysaa iyadoo si ula kac ah loo dilayo oo waardiyaasha goobaha ganacsi ee waaweyn ilaaliyaa qaarkood xabadda kamaba duwaan.

 

Xoogis: dad yawga qaar ayaa caadeystay iney xoog kaga qaadaan wixii lacag ah amaba waxii kale ee manaafacaad leh ee ay caruurtaasi haystaan iyadoo aaney jirin cid ka daba tagta iyo saldhig dacwad ka qoraa toona.

 

Af-Xumo: hadelku waxa uu dhaawacaa meel aanu dhagaxu gaadhin, waxa marwalba lagu yidhaahdaa erayo aan dhagahooda u fiicneyn cuqdad iyo uurxumo badana ay ka qaadan.

 

Saameynta ay Bulshada ku leeyihiin

Wax kastaaba saameyn ayey leeyihiin, waxaana jira cawaaqib xumo badan oo ay ku yeelan karaan bulshada, waad qiyaasi kartaa ubad aan helin waxbarasho iyo tarbiyad iney halis weyn ku yihiin bulshada, waxa ay noqon karaan tuug halis baden, gacan ku dhiiglayaal ma naxaan ah oo cuqdad Iyo cadaawad u haya cid kasta, waxa ay kicin karaan rabshad saameysa wadanka oo dhan marka ay tiradoodu badato.

 

Sidee looga hortagi karaa

Caano daateyba dabadood la qabey bay soomalidu ku maahmaahdaa, balaayaduna sideedaba ka hortag bey leedahay ee kadaba tag malaha, inta aaney caruurtu darbi jiifka ku waaweynaan waa in loo sameeyaa qorshayaal lagaga badbaadinayo noloshan qalafsan ee ay la dariska yihiin, sidoo kale waxa la sameyn karaa habab badan oo lagu mashquulinayo sida in loo sameeyo tartano dhinacyo badan leh oo xirfadoohada lagusoo bandhigayo, waxa jira wadamo badan in ay ka qeyb galaan koob loogu magac darey (Homeless world cup) oo kadhigan koobka aduunka ee daerbi-jiifka kaasi oo ay qaar badani ku hamiyaan sidii ay guul uga gaadhi lahaayeen una heli lahaayeen fursad ay kaga baxaan derbijiifnimada.

 

Gabagabo

Derbi jiifku inuu meelahaa ku calal xumaado oo uu ku daranyeysnaado waa inoo foolxumo iyo naxariis daro, waa in xil leyska saara yareynta waxyaabaha sababaya in derbi jiifku ku bato wadooyinka oo ay kow ka tahey ilaalinta Qoysku.

 

ALLA-MAHAD-LEH

 

Qalinkii: Hibo Ciise (Basbaaso)

hibafaakhir@gmail.com