CAQLIGA KA XOROW CALOOSHU HA DANBAYSEE!!!

 

Dhallinta maanta iyo xaaladoodu waa mid dhallin karta maan-shiil ku saabsan caqliyada bugta/xanuunsanaysa oo taag dari dhanka garshada ah oo ay ka hortaagantay hellitaanka qaabkii uu uga bixi lahaa dhibta ka haysata dhanka caqliyada fayow oo hogaan iyo hogo tus fiican u noqota bulsho tabaalo iyo taag darnaan isku darsatay

Caqliga maanta jira ee la kacay ama la garaadsaday adduunkan horumarkiisu xawliga iyo sida xad dhaafka ah u korayo waxaa taamkiisa galla inuu tiigsado oo tamaado hanaanka siyaasadee , dhaqaale,deegaan, iyo adduunyo siddii uu ugusoo kordhin lahaa wax doorkiisa iyo dadaalkiisana uu ka ciyaari lahaa si uu xubin uga noqdo dadka ku loolama laacdan iyo legdanka adduunyo ee maanta laysku muquuniyay caqliga godlan iyo rabi taanka cindiyaysan.

Waxaan ku baraarugay in la gaarey waqtigii aan tilmaami lahaa xaqa iyo xuquuqa oo aan indha laga daahan karrin mar haddii laga soo gudbay maalmihii qadhaadha ee jahliga iyo aqoondaradu ina hadhaysay misana layskula yabayay buuga iyo qallinka .

Guusha ugu weyn ee mudan in la tilmaamo ayaa ah in noloshaada aad ku dabaqday garasho soofeysan oo si sahlan u xallisa arrimaha isku gudban ee nolosha la soo daristay, iyo inaad yeelato ku dhac dhallinayranimo oo wadata degenaan iyo dulqaad aad ku hanato in lagugu aamino doorka balaadhan ee bulshada .

Waayo aragnimada caadiga ah waxaan ku ognahay in dadal iyo dagaal walba laga dhexlo xorriyad gooni ah marka la fiiriyo arrimaha kugu seegaya taxanaha nololeed ee ku indho tiray!

Lakabyada nolosha ee jiilba jiil kasoo dhaxlayay ayuunbuu ku dhisanyahay caqliga dhallinyarta da,yarta aqoonta leh ee jaamacadaha ka qallin jabiyay wuxuuna dhalay waaqicaga aan ku nool nahay maanta isla waaqicigaaas buuna ka dhuxul qaataa wiilka dhallinyarta ahi

Sidaa awgeed waxaa lagamamaarmaan ah inaan is weydiinno, sidey suuro gal u tahay caqligan ku jira mugdiga
inuu hello awoodii uu ku hagaajin lahaa wixii uu burburiyay sooyaalka caqliga Soomaaliyeed ee soo taxnayd awoow ilaa ka awoow ilaa haatana shaqaynaysa caqliyada daashay ee ku wareegta udub dhaxaadka dhaxal caqliyeedka gumaysiga iyo garasshada gadhka cas.

Falaadhii galbeed loo gano gondahaaga ka eeg” halbowlaha haddii uu ku go’ana dhiig bax filo.

Waxaynu isla qirsanahay oo markhaati ka wadanahay in Awoodii dhallinyarada la xaqiray haba ugu badnadaan masuuliyiinka xillaalka haysa iyo xafiisyada dawlada , dhallinyarada waxay u baahan yihiin hogaan daacad iyo cadaalad ah oo danahooda ka hadla, wax ka qabta, la tashada, aqoontooda&hal abuurkooda kana shaqaysiiya cilmiga iyo aqoonta ku kaydsan oo tusa in dhallinyaradu tahay laf dhabarta ummada iyo bulshada .

Umma baahna maanta dhallinyarto niyad jab iyo hadal halbowlaha jara oo hor istaago afkaarta, codk,aqoonta dhallinayarta ee uu ku hiigsan lahaa guri nabadoon nagaafi iyo naqbadana uu maasheeyay

Qofka maanta dhallinyar ah ee noloshu u saamaxday inuu hello hu” hoy ay u dheertahay caafimaad alle deeq u siiyay iyo caqliyad hagta dhamaan noloshiisa iyo ta bulshadiisaba ee ay u dheertahay casrigan maanta ahi waxaan fillayay in la hanto oo la hiigsado laguna aamina masayrka iyo maamulka ummada iyagoo aan hagranahayn iyaguna ay si waafiya u wajahaan oo baashiraan masuuliaydaasi.

Jan jeedh dhanka qabiilka iyo caadada darada oo sabab u noqotay dhaqaaq iyo horumar la’aanta caqliyadda bushada dhankeeda fikirka iyo joogsiga ay joogsatay isbedel dhanka dhulka iyo dhanka siyaasada taas aan ka dheehan karno in doorkii dhallinyarta ee dhudaha iyo udub dhaxaadka u ahaa bulshada ee laga filayay in ay sameeyaan isbedel iyo horusocod taaba qaado oo ku wajahan arrimaha tallo gayska , horumarka iyo u adeegida ummada y ku doorsaden oo ay maroorsadeen caqliyad ilaa lixdankii ilaa maanta dhallinyar ah oo shaki iyo sas ka qaba in maanta la hello dhallinyaro caqli iyo aqoonba ka dhisan oo hage iyo hogaamin u noqda bulshada .

Haddii xaaladu ay marayso xoog iyo xeelad farsamana laga doonayo in dhallinyaradu maanta ku hanato qulluubta iyo qoolka kursi ee kulaalaha ay ka yihiin kumanaanka siyaaasi ee daalay waa mid baraarug iyo ifin fikir looga baahanyahy dhaallinyarada waxanan odhankaraa waa dhoohanayaal ka jeeda doorkii ay ku lahayeen ka qayb galka siyaasadaiyo horumarka bulshada.

Waayadii hore noloshu waxay ahayd qori isku dhiib iyo dhaxal laga heensado da,ba da ,da ay kasoo horeeysay ee ay ka waayo aragsantahayna u iftiimin jirtay waxii wadci iyo waayo sheeko soo taxnaa oo siddaasi ayay qolaba qolo dhaxal hidde iyo dhaqan tallo iyo toobiyo toosan uga dhaxli jirtay , hadda se waa ay ka duwantahay wakhtigu wakhtiigii hore waxanab odhan karnaa wanan ka nasiib badanahay wanan ka nasiib xunahay sababta oo ah walli dhallinyartu waxay ku noolyihii oo ay naawilayaa rajo waxaana alaaba lagusoo halqabsadaa dhallinyaradii beri ayaad tihiin sayaasiyiintii beri waxkasta iyo doorkasta oo la toosna xilligeediina la joogo waxaa lagu leeyahay oo saabale iyo sasabo looga dhigaa waa” berri” .

Guntii iyo gabagabadii aan soo dabaalo hadalkee waxaan leeyhaya
in maadaysyada ay dillaalinta siyaasada ee aan dhamanahayn xal u noqon karo isfahan ka dhasha jiilka cusub ee mustaqbalkoodii lagu botorinayo mushxarada aan cilmiyaysnayna lagu afgobaad sanayo waxaad tihiin dhallinayarada iyo mustaqbalka aayaha wadanka ee berri .

 

W/Q :-MAXAMUUD CARAB CABDI (SABUUB )