Caqabadaha ku Gedaaman dhallinyarta damacu kaga jiro golayaasha deegaanka

Geeddi socodka siyaasadeed ee Somaliland waxa uu soo maray marxalado kala duwan oo mid walba ay ku xeeranyihiin duruufo gaari. Tusaale ahaan markii dalka lagu soo noqday waxa aynu isla qaadannay in ay siyaasaddeenna sal u noqoto hab qabiileed lagu soo xulo madaxda kala duwan ee qaranka. Wajagii labaad waxa aynu u gudubnay in ay dadku sanduuqa codka masiirkooda ku jaangooyaan, taas oo ay ugu horraysay aftidii dastuurka, dastuurkaas oo aynu ku ogolaanay in aynu qaadanno habka xisbiyada badan iyo doorashooyinka tooska ah ee madaxda qaranka. Waxa aynu galnay doorashooyin kala dambeeyey oo caqabadahooda watay. Sida duruufo dhaqaale, bisayl la’aan dhinaca siyaasadda ah iyo kuwo dhinaca dhaqanka ah intaba. Haddii aan tusaale kasoo qaadanno caqabadaha siyaasiga ah ee jiray, dhallinyarta reer Somaliland fursad sharci umay haysan inay ka qayb galaan doorashooyinkaas kala dambeeyey ee dalka ka dhacay. Marka aynu wakhtigan xaadirka ah eegno waa Ilaahay mahaddii oo caqabaddihii sharci ee dhallinyarada hor taagnaa qaar ka mid ah ayaa meesha laga saaray oo manta waxa ay fursad sharci u haystaan inay ka qayb galaan doorashooyinka golayaasha deegaanka, arrintaasna waxa ammaanteeda leh xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweyne Silaanyo, Golayaasha sharci dejinta iyo weliba dhallinyarta oo laftoodu dedaal badan ka galay arrintaas. Haddaba su’aashu waxa ay tahay, mar haddii caqabaddii sharci meesha laga saaray miyey dhamaadeen caqabadihii hor yaallay dhallinyartu? Waa su’aasha uu ka jawaabayo maqaalkani.

Haddii aynu jawaabta u daadegno waa maya. Runtii waxa jira caqabado kale oo dhawr ah oo horyaalla dhallinyarta u banbaxday u tartanka doorashooyinka goleyaasha deegaanka kuwaas oo dhallinyar badan ku keenay baraq jab iyo inay hammi goodii ay hoggaanka dalka kaga qayb qaadan lahaayeen ka hadhaan. Bal aynu mid mid u lafa gurno hadimooyinkaas ay dhallinyartii qaarna la hagaaseen, qaarna la hada teelayaan:

  1. Caqabado siyaasasi ah: innaga oo mabda’ ahaan qaadannay nidaamka xisbiyada badan, haddana shayga ugu weyn ee siyaasaddeenna saameeya waa qabiilka. Waxa aynu taas ka wadnaa, qofka musharraxa ah inta ugu badan waxa doorta reerkiisa oo ku doorta qolonimo, laakiin laguma doorto oo laguma qiimeeyo mabda’a uu qofkani aaminsanyahay iyo miisaanka shakhsi ahaaneed ee uu qofkani leeyahay. Haddaba maadaama ay 9 xisbi/urur tartamayaan, jaan goynta siyaasaddeenuna tahay qabiil, waxa taasi keentay in xisbi/urur kastaaba uu iswediiyo kumaa/tumaa qabiil badan kasoo jeeda iyo kumaa odayaashii reerkiisu la socdaan. Arrintaasi waa caqabad siyaasi ah oo hortaagan dhalliyarta u taagan ama damacu kaga jiro golayaasha deegaanka oo ninkii/inantii aan reer badan kasoo jeedin ama odaal aanay la socon arrinkiisa cidina uma dhaga nugla. Tani waxa ay dayr adag ku tahay dhallinyar badan oo karti, aqoon, daacadnimo iyo caqliba u saaxiiba oo dalka horumar iyo isbeddal gaadhsiin lahaa. Dhinaca kale, marka aynu ka hadlayno caqabadaha siyaasiga ah, waxa iyana in la xuso mudan oo caqabad jirta ah waayo aragnimo la’aan dhalliryarta ka haysata bii’adda siyaasadda. Waayo bii’adda siyaasaddu aad ayey u sina ballaadhan tahay waxaanay u baahantahay in uu qofku waayo badan ku dhex jiro. Walow ay jiraan dhalliyar badan oo si fiican ula jaan qaadi kara wadciga siyaasadeed ee maanta dalka ka jira, luuqadda siyaasaddana si fiican u fahmi kara,  haddana waa cabad jirta oo aan indhaha laga qarsan karin;
  2. Caqabado dhaqan: sida aynu qodobka hore kusoo xusnay, jaangoynta siyaasadeed ee xisbiyada/ururada waxa saldhig u ah qabiil. Markaa su’aasha aynu is weydiinaynaa waxa ay tahay odayaasha iyo reerku ma soo xulayaan qof dhallinyaro ah. Marka aynu dib ugu noqonno dhaqankeenna soomaaliga, marka talada geedka hoostiisa lagu gorfaynaayo ama lagu goynaayo may dhici jirin in dhalliyarta wax laga weydiiyo. Ninka looma ogolaan jirin inuu geedka hostiisa tago oo talada wax ka gorfeeyo illaa uu reer yeesho oo nin weyn noqdo. Waxa ay odayaashu aammin sanayeen maahmaahda soomaaliyeed ee tidhaahda “nin yari intuu geed ka boodo ayuu talana ka boodaa” sidaas darteed laguma aamini jirin wax mas’uuliyad iyo talo ah. Haddaba dhaqanku miyuu is bedelay oo odaashu fekerkaas miyey tageen? Runtii jawaabtu waa maya oo waa arrin suurta galnimadeedu adagtahay inay odayaashu yidhaahdaan annagu haddii aanu nahay reer habal ninkaa ama inantaa dhallinyarta ah ayaanu soo sharraxnay ee xisbi/urur habalow naga guuddoon, waayo maba aammin sana inuu meteli karo. Tanina waa caqabad dhaqan oo ku gadaaman dhallinyarta damaca siyaasiga ah leh.
  3. Caqabado dhaqaale: maahmaah soomaliyeed ayaa tidhaahda “faro aan dufan lahayni wax ma duugaan”. Waa sidaas ay maahmaahdu sheegtaye hawl kasta oo la qabanayaa waxa ay ku kacaysaa qarash, ta siyaasadduna waa ay ka xag jirtaa. Dhaqaale la’aantu waa mid ka mid ah caqabadaha ugu tunka weyn ee hor taagan dhallinyarta. Arrintani waxay salka ku haysaa laba qodob: B) dhallinyarta uu damacu ku jiraa waxa ay badan yihiin kuwa ka qalin jebiyey jaamacadaha. Hadda ama dhawaan ayuunbay ka qalin jebiyeen jaamacadaha oo xataa haddii ay shaqo heleen haddana way adagtahay inuu jeebkooda dhaqaale u babac dhigo qarashka faraha badan ee hawshaasi u baahantahay. T) lix iyo toban sano ama in ka badan ayaa qofka dhallinyarta ah qoyskiisa ama qaraabadiisu ka bixinaayeen ama ka taageerayeen fiiga dugsiga iyo jaamacadda, sidaas darteed qoyskiisu/qaraabadiisu maanta diyaar uma aha inay mar kale la garab istaagaan taageero dhaqaale oo uu ku galo olole siyaasadeed. Labadaas qodob ayaan ka xusi karnaa salka caqabadda dhaqaale ee hortaal dhallinyarta u ordaysa golayaasha deegaanka.

Hadddaba haddii kuwaasi yihiin caqabadaha ugu miisaanka culus ee hor taagan dhallinyarta damacu ka hayo golayaasha deegaanka, waxa aynu is weydiinaynaa maxaa xal ah ee ay dhallinyartu kaga gudbi karaan hirarkaas caqabadaha ah? Waxa aynu halkan kusoo gudbinaynaa dhowr talo oo ku waajahan dhinacyo kala duwan:

  1. Xisbiyada/ururada: waxa aynu talo ugu soo jeedin lahayn xisbiyada/ururada u tartamaya doorashada golayaasha deegaanka in ay aqoonsadaan awoodda, maskaxda, aqoonta iyo kartida dihin ee dhallinyarta. Marka aynu sidaas leenahay waxa aynu u jeednaa in aanay xisbiyadu/ururadu go’aankooda ku jaan goynin kaliyaata waxa ay odayaashu u yeedhiyaan. Runtii waxa dhici karta in weyn oo ay odayaal dhabarka soo taabteen uu kaga tageero bato bulshada dhexdeeda qof dhallinyaro ahi, waayo mujtamaca reer Somaliland 70% ayaa dhallinyaro ah, Waxaana dhallinyarta ka saaci kara inay taageero weyn kasbadaan bulshada oo khadyaan ka taagan nin weyn oo odayaal soo xuleen hadhowna la kufa xilkii umaddu u igmatay. Markaa waxa aynu odhan karnaa odaygu qof waa uu soo xuli karaa laakiin ma jaan goyn karo codka bulshada.
  2. Dhallinyarta: maahmaah soomaliyeed ayaa tidhaahda “nin aan hadlin habartiina qadisay” waxa aynu uga soconaa, haddii aynu dhallinyarta nahay ma jirto cid innagu casuumaysa fagaaraha siyaasadda oo haddii aynaan cadkeenna goosan dibadda ayeynu ka joogi doonaa talada dalka. Markaa waa in aynu qaadannaa go’aan adag oo aynu ugu badheedhayno khataraha iyo caqabadaha  jira ee ka sokeeya xaqiijinta hadafkeenna siyaasiga ah. Waxa kale oo aynu dhallinyarta kula talin lahayn in kuwooda damaca leh ay la garab is taagaan cudud dhaqaale iyo mid farsamo labadaba.
  3. Odayaasha dhaqanka: waxa aynu usoo jeedin lahayn odayaasha dhaqanka in ay garab istaagaan dhallinyarta oo aanay ku dheganaan dhaqankii hore maadaama uu wacyiga bulshadu is beddelay oo ay maanta dhallinyartu u bisishahay ka qayb noqoshada hogaanka dalka. Dhallinyartu waa cidda mardhaw la wareegi doonta gabi ahaanba talada dalka. Maadaama uu sunnaha noloshu sidaas yahay oo uu jiilba jiil beddelo, waa dhallinyarta loo ogolaadaa in ay kusii laylyamaan hanaanka siyaasadda si aanay hadhow kusoo booddo ugu noqon.

ALLAA MAHAD LEH

Mubaarik C/laahi Ibraahim(Daljir), Musharraxa golaha deegaanka ee degmada Berbera.

Email: daljir86@gmail.com