Caqabadaha Ka Jira Jaamacadaha Somaliland W/Q: Maxamuud Daahir Cumar

Tacliinata sare ee Somaliland  gaar ahaan jaamacadaha waxaa haysta caqabado badan, xirfadlayaasha tacliinta oo yar ayaa ah mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee ka jira dalkeena. Inkastoo jaamacadaha qaar ay haystaan xirfadlayaal aan tiradoodu badnayn hadana waxaa ka qaalib  noqotay  tayo xumada xaga cilmi baadhita ee dalka ka jirta. Xaalka tacliinta sare ma wanaagsana marka aynu ka eegno dhinaca maamulada goobaha tacliinta gaar ahaan jaamacada oo ay yartahay dadka wax ka dhiga ee haysta shaahaada heerka labaad (Masters) iyo heerka seddexaad (PHD).

Jaamacadaha lagu dhigto tacliinta sare ee dalka ayaan intooda badani awoodin inay helaan islamarkaana ay haystaan dad maamula tacliinta iyo waliba aqoonyahano ku takhasusay cilmi-baadhista oo laf dhabar u tacliinta sare. Inta badan jaamacadaha Somaliland  waxaa haysta caqabado ay ka mid yihiin dadka dhinca farsamada oo ku yar, maamulayaasha  dhinaca shaqaalaha oo aan xirfad wanaagsan lahayn. Guud ahaan goobaha tacliinta dadka hormuudka ka (Academic leaders) waxaa ku yar dadka u tababaran inay maamulaan goob tacliimeed si xirfadleh; waxaana jaamacadaha la iskaga dhiibaa dad aan waligood soo maamulin goob tacliimeed.

Inta badan hogaamiyayaasha tacliinta heerka ay doonaanba ha ahaato waxay ku liitaan qorshaha dhinaca istaraatijiyada(Strategic planning), maamulida howl- qabadka (performance Management), dhisitaanka goob tacliimeed is wada iyo isku xidhka  xirfadaha (Network skills) waxaanay maamulaashina inta badan balan qaadaan barnaamijyo isku mid ah (Duplicate programs). Ma jirta cilmi baadhis ay suuq ugu raadiyaan goobaha ay maamulaan (There isno market research) balse waxay kala qishaan barnaamijka hadba ay jaamacadi soo diyaariso.

Dhinaca tayada markaan ka eegno waxaa jira dhaliilo badana oo ka muuqda waxbarashada iyo waliba cilmi baadhista jaamacadaha oo liidata. Jaamacadaha dalku waxay inta badan ku shaqeeyaan iyagoo buux dhaafiya galaasyada wax lagu dhigto iyo iyagoon waliba lahayn goobo wax akhris oo  casri ah hadiiba ay jiraan goobo wax akhris waa qaar ay yaalan buugaag baryo hore la isticmaali jirey (Obsolete library resource). Manhajka ay dhigaan jaamacaduhu  waa mid aan la hubin oo aan la xaqiijin oo aanay war ka hayn wasaarada tacliinta sare iyo gudidad loo magaacabay tacliinta sare inta badan waxaa uu u badan yahay manhakani mid  waayo hore la isticmaali jirtay (outdated Curricula). Macalimiinta inta badan laguma soo xulin dariiq sax ah ama maaha mid ku haboon.

Run ahaantii  waxaa ii muuqda walaac ku saabsan manhajka ay bixiyaan jaamacadaha dalku maxaa yaalay jaamacad kastaa waxay leedahay  manhaj gaar ah oo aanay hubin wasaarada tacliintu waxaa kale oo jirta inaanay is waafaqsanayd manhajka tacliinta sare iyo suuqa shaqaalaysiinta ee dalkeenu taasi oo keentay in dhalinyaradu shaqo la’aan badan la kulanto.  Runtii jaamacadaha dalka iyo wasaarada tacliinta sare labaduba waxay ku guul dareysteen  inay ardayda u diyaariyaan  xirfada ay u baahnaayaan ee ay shaqo ku heli lahaayeen. Fadhiidnimada gudida tacliinta sare oo aan hubinin tayada tacliinta jaamacadaha islamarkaana aan sare u qaadan nidaamka ay u shaqeeyaan jaamacaduhu ayaa dalka u hoosaasisay in hubiyo tayada tacliinta ee liidata ee maalinba maalinta ka danbeysa ka sii dareysa.

Jaamacadaha dalku ha ahaadaan kuwa gaar loo leeyahay ama kuwa ay dawladu leedahay ma laha  awood cilmi baadhiseed, qaab ahaan uma habaysna waxaanay u baahan yihiin inay iska dhisaan si ay ula jaan qaadaan aqoonta casriyeysan  ee aduunka oo laga  dhalin karo aqoon guud, hal abuurnimo iyo waliba xalinta dhibaatada haysata goobaha tacliinta. Waxaa iyana xusud mudan in jaamacadaha dalkeenu ay runtii ugu talo galaan kharash yar cilmi baadhista iyo  casriyeytan jaamacadaha  gaar ahaan muhiimad lama siiiyo barashada cilmiga aduunku ku horumaray ee Sayniska, caafimaadka, Injineerka iyo tiknoolajiyada laakiin waxay xooga saaraan hogaamiyaasha tacliintu maadooyin aan wax yar uga baahanahay dal ahaan islamarkaana aan caawinayn shaqo abuuris.

Waxaan talo ugu soo jeedinayaa madax dalka ee ugu sareeyo madaxweynuhu iyo kaaliyayaashii sida madaxda wasaarada tacliinta, gudida tacliinta sare inay  wax ka qabtaan tayada tacliinta jaamacadaha ee liidata islamarkaana laga fikiro in la isku dheeli tiro manhajka tacliinta sare iyo suuqa shaqaalaysiinta dalka

Maxamuud Daair Cumar; aqoonyahan falanqeeya arrimaha waxbarashada, degena Hargeysa, Somaliland

Mobile: 0634423327