CALOOSHII CURRIGU QAATAY! – (Qiso Dhab ah) ~ W/Q: Saddam Carab

Saddam Carab
Saddam Carab
Saddam Carab

Wuxuu yidhi: Baryahaa si aad ah baan u cuni jiray qaadka. Galinka hore, ka dambe iyo habeenkii ba afkayga caleen cagaaran oo budulsan waa lagu arki jiray. Xataa cuntada isaga ayaan ka jeclaa. Faan iyo farxad labadaba waan ku qabay. Waayuhu se mar walba ma samaado. Maalin baan soo taaban waayey Qaadba. Xiin badan iyo xuuraan ba waan u galay. Cid kasta oo aan ka heli kareyey waan ku cabaaday. Albaabbo badan oo aan garacayna waan ku hungoobay. Nasiib darro maan helin wax aan ahayn daal. Haa, daal awgii baan qaad la’aan gogoshaydii ku gataati dhacay. Aniga oo aan geesna eegin baan hurdo dhex muquurtay. Maba aan ogayne show dayn badan baa la igaga lahaa furaashka! Habeenno ayaan sidooda soo jeed ugu idleeyay. Habeenno waabari ayaan seexday. Furaashkuna intaasba malaa wuu ii kaydinayey. Markaas baa wixii baaqi igu ahaa oo dhami habeenkaas isa soo fayliyeen. Khuuradaydii ayaa degdeg u bilaabantay. Laakiin waxyar ba maan hurdin kolkii qabtani dhacay;

Waxa aan galay qalliin caloosha la igaga sameynayo. Dhakhaatiir dhar cadcad baa afka ii soo duubatay. Hareeraha bay iga soo joogsadeen. Masay qalliinkii bilaabeen. Maqas iyo mindi ayey iswaywaydaariyeen, haddana ay isu dhiidhiibeen. Aniga oo si toos ah ula socda. Beerka iyo bogga ayey I kala saafeen. Dabadeed calooshii bannaanka iga soo dhigeen. Anna waan la socdaa tallaabo kasta oo ay ku dhaqaaqayaan. Calooshaydii bay miis aan iga dheereen dul dhigeen. Dhammaantoodna waxa ay ku foorarsadeen halkii ay ka soo saareen caloosha. Si qunyar ah baa curri(bisad) cad oo lugo madmadow u soo galay qolkii hawshu ka socotay. Aad yar bilaa shanqadh ah bay bisaddii lugaha isu soo daba dhigtay. Dabadeed calooshii miiska kala degtay oo afka ku qaadatay! Wali se dhakhaatiirtu ma ay dhaaddanayn. Anigu waan is hayn waayey. Calooshaydii dhammayd in uu curri albaabka kala baxay baan u qaadan waayey. Dabadeed qaylo ayaan oogsaday “Waar caloosha iiga reeba curriga…Waar ilaahay miyaydaan garanayn? Waar ilmaadeerrayaal caloosha.…”. ayaan ku qayliyey sidii wax waalan. Nin se calooshiisii bisadi aayar labaabka kala baxday saw inuu waasho gartii maaha? Nasiib darro dhakhaatiirtu ima ay maqlayn, bisaddana ma ay arkayn. Aniguna marba marka ka dambaysa baan kor u sii qaylinayey. Illaa currigii mus(ood) aan qolka albaabkiisa ka dheerayn calooshii saartay. Goor xeedho iyo fandhaal kala dhici rabaan bay arkeen dhakhaatiirtii in currigu calooshii qaatay. Markaas bay ka daba tageen. Laakiin currigu waa uu ku faro adaygay calooshayda uu miiska kala degay. Dhakhaatiirtuna waa ay ku ereryayeen.

Xanuun iyo ciil isku milmay baa igu laba qarxay. Aad baan u qarracmay. Wax aan sameeyo waan garan waayey. Anigu ma aan dhaqaaqi karayn, laakiin ilmo kulul baa iga timid. Nin dhan oo calooshiisii hortiisa bisadi ood duljiidjiidayso adba malee! Noloshii in ay ii dhammaatay baan maleeyay. Hoos baan qalbiga uga ilmeeyay.  Aakhirkii waan ishayn waayey oo aad baan u qaylinayey… Markaas baa walaalkay oo iga wayn oo i ag hurday si xun ii dhirbaaxay! “Waar aannu kaa seexannee maxaad la qaylinaysaa” “Waar curriga caloosha iiga reeb” baan ugu warceliyey. “Currigee.. Waar naga aammu wax ku hadli mayside” markuu yidhi baan ku war helay in aan dunida imid. Maya’e markaas baa iigu horraysay miyir qab, markaas baan garwaaqsaday in aan calooshaydii maqnayn, in aanan qalliin galin iyo markaas baan garawsaday in waxa i helay ahaa Dubaab! Maalintaas ayaa iigu horraysay Dubaabka la sheego. Habeenkaas wixii ka dambeeyay waan ka taxaddari jiray in aan qaad li’i ku seexdo.

F.G: Waa qiso dhab ahaan ugu dhacday qofka ka sheekeeyay.

Saddaam Carab

saddamcarab@gmail.com