Cali Waran-cadde oo Tilmaamay Doorka ay Shacabku ka Filayaan Prof Axmed Ismaaciil Samatar

warancadeHargeysa (SLpost)- Siyaasiga Cali Maxamed Waran-cadde oo ka tirsan Xisbiga mucaaradka ee Waddani, ayaa tilmaamay filashada shacabka Somaliland ka rejaynayaan Prof Axmed Ismaaciil Samater inuu wax ku soo kordhiyo Dhismaha dawladnimo iyo Horumarka Somaliland.

Cali Maxamed Waran-cadde oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxa uu Aqoonyahan Axmed Ismaaciil ku tilmaamay shakhsi Qiimo u leh dalka iyo Dadkaba, waxaanu ammaanay qaabkii ay shacabka Somaliland u soo kordhiyeen Aqoonyahankan oo aan muddo Afarteeyo Sanno ah cagaha soo dhigan Dalkiisa hooyo iyo gobolka uu ku dhashay ee Gabiley.

“Runtii waxay ahayd wax aad u farxad badan sidii qiimaha lahayd ee reer Somaliland ay u soo dhaweeyeen maalintii dhawayd ee uu iminay Axmed Ismaaciil Samatar oo runtii aan qiimo weyn u arko waddanka iyo dalkaba u leedahay.Isaganna runtii waxay u tahay sharaf iyo qiimo, waxaanu runtii muujiyey kalgacalka uu u qabo dalkiisa iyo dadkiisa intii uu ku suganna wadanka isagoo in ka badan rubuc-qarni ka maqnaa dalkiisa,” ayuu yidhi.

Cali Waran-cadde oo ka hadlay doorka ay dadweynuhu ka filayaan Prof Axmed, waxa uu yidhi, “Ummadda reer Somaliland waxay maanta (shalay) ka filaysaa Prof Axmed Ismaaciil Samatar inuu dadaal weyn ka muujiyo maadaama uu muddo badan ka maqnaa dalka, sidii uu dalkani u xaqiijin lahaa himiladiisa iyo gooni isu-taagisa si uu Soomaaliya u noqdaan laba dal oo walaalaha.Taaso runtii Prof-ku meelaha aynu danaynayno imika sida reer galbeedka oo kale uu la dhaqmay muddo dheer oo runtiinna aqoon badan u leeyahay reer galbeedka inuu qayb-weyn ka qaadan doonno ayaanu rejaynaynaa hadduu alle idmo.”

SOMALILANDPOST.NET