Cali Waran-cadde oo Shaki Ka Muujiyay Wax-is-daba Marin ku timaadda Goleyaasha Deegaanka oo Dhibaato bulshada u Horseedda

CALI MAXAMED WARANCADE

Hargeysa (SLpost)- Murashaxa jagada Madaxweynenimo ee xisbiga UDUB Cali Maxamed Waran-cade, ayaa walaac xoog leh ka muujiyay dhibaatada ka dhalan karta wax isdabamarin ku timaadda doorashada goleyaasha deegaanka  ee la filayo in dalka laga qabto bisha November ee sannadkan.

Cali Waran-cadde oo ka hadlayay munaasibad xisbigiisu ku soo bandhigayay murashixiinta goleyaasha deegaanka  ee Degmooyinka Hargeysa iyo Sallaxley oo lagu qabtay  Hotel Ambassodor, waxa uu sheegay in  laalidda astaamaha murashixiintu  ay sababi karto in uu dhaco musuq-maasuq maadaama oo aanay  shacabka  reer Somaliland intooda badan ay yihiin dad  aan wax qorin, isla markaana aanay ururada iyo xisbiyada mucaaradka ahi awood u lahayn in ay dirtaan muraaqibiin goob-joog u ah.

CALI MAXAMED WARANCADE

“Islaanta reer miyiga ah , marka la yidhaahdo inanka aad dooranaysaa waxa uu leeyahay Awr  ama Geed , muraaqiba uma baahna  Awrka iyo Geekaba way taqaanaa sida ay u eeg yihiin, laakiin marka la yidhi  waa lambar , waxa ay u baahatay , muraaqib joogto ah  oo ururada iyo axsaabtu  ay dhamaantood keenaan , taa laga saaray meeshii waxa ka saaray guddida doorashooyinka , waxa ay yidhaahdeen lacag looma hayo  muraaqibka . Waxa maanta dhacday in la yidhaahdo  laama hayo lacag arrintaa waxa aanu u aragnay  in la doonayo  in lagu shubto doorashooyinka ummadan “ ayuu Cali Waran-cade.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net