Cali Waran-cadde oo meeshaka saaray Tuhunnadii laga qabay una jawaabay Muuse Biixi

Hargeysa  (SLpost)- Guddoomiyaha Siyaasadda Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB Cali Maxamed Warrancade ayaa ka cudur-daartay qabashada jagada Wasiirka Daakhiliga oo uu dhawaan iska casilay Dr. Gaboose, taasoo maalmihii u dambeeyay la hadal-hayay in loo magacaabayo Cali Warrancade, isla markaana Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi uu shaaciyay inuu kala hadlay arrintaas.

Cali Warrancade oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Hutel Xamdi ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inuu doonayo ka midho-dhalinta Musharaxnimo ee Madaxweyne oo uu hore ugu dhawaaqay inuu u taagan yahay, waxaanu uga mahadceliyay cid kasta oo la jeclayd waqtigan inuu qabto jagada Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland.

Guddoomiyaha Siyaasadda Xisbiga Mucaaradka UDUB Cali Maxamed Warrancade, waxa uu xusay inuu aaminsan yahay inuu qaban karo wax ka badan jagada Wasiirka Daakhiliga haddii uu ku guulaysto jagada Madaxweynenimo, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi: “Anigoo runtii aad iyo aad u jecel inaan u shaqeeyo Qarankayga mar kasta, hadaan xil hayo iyo haddaanan haynba, arrinta suuqa u soo baxday haddii aan isu miisaamay waxaan u arkay jagada maanta aan caddeeyay ee musharaxa Madaxweyne iyo Wasiirka Daakhiliga oo runtii hawl aad iyo aad u adag ah, markaa cid kasta oo ila jeclayd, cid kasta oo aaminsan inaan qabto, cid kasta oo lahayd bal arrintaas ka fiirso, aniga oo dhamaantood u mahadcelinaya waxaan leeyahay labadaa hawlood laba hawlood oo is-gali karaya maaha.” ayuu yidhi  Cali Maxamed Warrancade.

“Saaxiibkay Muuse Biixi haddii uu ila jeclaaday inaan xukuumadda maanta talada haysa wasiir ka noqdo, waxaan u ballan-qaadayaa haddaan doorashada ku guulaysto oo aan madaxweyne noqdo, inaan wasiir fiican ka dhigo,” ayuu hadalkiisa raaciyay Mr. Waran-cade

Waxaanu intaa ku daray, isagoo carrabaabay qorshihiisa siyaasaddeed ee mustaqbalka. “Markaa shacabka reer Somaliland, Dawlada iyo saaxiibaday oo uu ka mid yahay Muuse oo xalay Telefishanka ka hadlay oo sida uu sheegay aanu saaxiib nahay, waxaan leeyahay laba la isku qaban karayo maaha, dalka inaan khiyaameeyo maaha, markaa waxaan jecelahay inaan u go’o oo aan ka midho-dhaliyo musharaxnimada oo aan insha allah isleeyahay wax ka badan Wasiirul-daakhiliga haddii aad ku guulaysato ayaad ummada u qaban kartaa.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Siyaasadda Xisbiga UDUB Cali Maxamed Warrancade.

Somalilandpost.net

somalilandpost08@gmail.com