Cali Waran-cadde oo ka warramay qaabkay isu waajeheen Wefti ka socda Ingiriiska

Hargeysa, 01 Feb, 2012 (SLpost)- Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa sheegay inay Wefti ka socday dawladda Ingiriiska oo shalay Hargeysa yimi inay u sheegeen mawqifka ay Xisbi ahaan iyo in badan oo bulshada ka mid ahi ka taagan tahay inay Somaliland ka qaybgasho shir 23-ka bishan dhinacyada Soomaaliya loogu qabanayo magaalada London.

Cali Maxamed Waran-cadde oo koox uu hoggaamiye u yahay oo ka mida Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB la kulmay Wefti uu Safiir ku-xigeenka Safaaradda dawladda Ingiriiska ee Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa oo maanta Hudheelka Maansoor kula kulmay madaxda Xisbiyada mucaaridka ah, ka dib markii uu booqasho ku yimi Somaliland, ayaa Wargeyska Ogaal uga warramay qaabka ay u wadahadleen Safiir ku-xigeenka iyo Weftigiisa, waxyaabaha Weftigu u soo bandhigeen Xisbigooda iyo sida uu kulankoodu ku dhammaaday. Waxaanu Cali Waran-cadde oo faah-faahinaya kulankaas uu yidhi; “Weftiga Safiir ku-xigeenka Ingiriiska waxa la kulmay garabkayga, markaa waxay wax naga weydiyeen shirka Ingiriiska ee London ee naloogu yeedhay, kaas ayuu nagala hadlay sidii Somaliland ay uga qayb geli lahayd.”

“Runtii waxa uu noo soo jeediyay in shirka laga qayb-galo oo la isla oggolaado, hase yeeshe waxaannu u sheegnay dhibaatooyinka uu shirka London Somaliland u leeyahay oo waxaannu u soconnaa yahay aqoonsi ee anay ahayn inaannu ku milanno Soomaaliya oo annagu waxaannu diyaar u nahay mar haddii uu Ingiriisku annaga na haystay oo ay dawladda Ingiriisku xog-ogaal u tahay duruufta Somaliland inaad noo hiilisaan oo xornimadii aannu tuurnay 1960-kii mar haddaanu maanta Caqliyeysannay oo dhib badanina ay naga soo gadhay midawgii Soomaaliya, dibna aannu ula soo noqonnay waxaannu doonaynaa inaad na caawisaan. Laakiin,   inaad dib noo celisaan diyaar uma nihin ayaannu ku nidhi.” Sidaa ayuu yidhi Cali Maxamed Waran-cadde.

Mar uu Waran-cadde ka hadlayey waxay ka dareemeen hadallada Weftiga ka socday Safaaradda Ingiriiska ee Itoobiya, waxa uu yidhi; “Waxaad moodaysay inay danenayaan in shirka laga qayb galo maaddaama oo Dawladda Ingiriisku ay qabatay oo ay u arkayaan in Somaliland ay mihiim u tahay inay shirka ka qayb galaan, laakiin waxaannu ku nidhi; ‘Somaliland idinka mar walba waa idiin diyaar Ingiriiskuna waa Dawladda kaliya ee aanu isku hallaynayno. Markaa, waxaannu u imman karnaa si aan annagana dhibaato noo ahayn idinkana aan dhibaato idiin lahayn xataa haddii loo baahdo in Soomaaliya iyo Somaliland la wadahadalsiiyo Mustaqbalka sida aannu u kala baxayno maanta diyaar baanu u nahay. Laakiin, maanta inaannu ka mid noqonno maamul-goboleedyada Soomaaliya mid ka mida, Shacabkayagu ma oggala’ ayaanu ku nidhi.”

“Waxaanay shacabkayagu u arkaan karaamadii iyo meeqaamkii Somaliland ay ku lahayd Ingiriiska inay arrintaasi meel kadhac ku tahay, markaa waxaannu nidhi, annaga oo aan diiddanayn codsiga Ingiriiska oo wakhti kasta waa idin imman karnaa ee waxaannu u aragnaa in uu bulshada dhexdeeda uu fidmo nagu keeni karo ka qaybgalka shirka London. Markaa, annagu farriintii waannu gadhsiinay oo nagumuu odhan waan ku qancay iyo kumaan qancin ee annagu warkii waannu siinnay. Markaa Madaxweynaha waannu ku soo dhaweenaynaa wada-tashiga uu ku dhawaqay.” Sidaa ayuu yidhi Waran-cadde.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net