Cali Waran-cadde oo Baaq ka soo saaray dagaalka Buuhoodle kana hadlay Suxufiyiinta la xidh-xidhay iyo guud ahaan doorka Saxaafadda

Hargeysa, 15 January, 2012 (SLpost)- Guddoomiyaha Garabka siyaasadda Xisbiga Mucaaridka ah ee UBUB Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa ka hadlay dagaalka ka dhacay magaalada Buuhoodle iyo nawaaxigeeda, halkaas oo ay shalay Ciidamada Qaranku xoog kaga saareen Malleeshiyo hubaysan oo dhawaanahanba ku sugnaa Buuhoodle.

Cali Maxamed Waran-cadde oo shalay Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu ka hadlay 22 Suxufi oo ka hawlgalayey Warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka oo ay Xukuumaddu shalay xidh-xidhay, qaarkoodna dhaawacyo gaadhsiisay. Mr. Waran-cadde waxa uu sheegay Ciidammada Qaranku inaanay dhul laga haystay qabsan, hase ahaatee, ay tageen dalkooda deegaanno ka mid ah oo ay ku sugan yihiin dadkoodii, sidaa daraaddeedna waxa uu Ciidanka ugu baaqay inay si fiican ula dhaqmaan dadkooda deegaannadaa ku sugan, isaga oo sidoo kalena dadka deegaanka u soo jeediyey inaanay u qaadan in lagu duulay oo Ciidan meel kale ka yimi qabsaday, hase ahaatee ay u arkaan Ciidammadoodii oo u tagay, isla markaana soo dhaweeyaan, nabadgelyadana wada-jir uga wada shaqeeyaan.

Cali Maxamed Waran-cadde oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Waxaan leeyahay Somaliland waxay kuwada fadhidaa Harag Sakaaro, Haraggaa Sakaarada ee ay ku wada fadhido sidii aynu muddadii 20-ka sano ahayd aynu wada-jirkeenna u ilaalinaynay ee la isu dhaw-raayey ee la isu xitaraamayey ee danta ka dhaxaysa Somaliland la garanaayey ha loo sii wado. Waxa la yidhi; ‘Dadka wax wada leh iyaga ayaa dan isku qaba, waxna kala tirsada; way jirtaa in wax la kala tirsanaayo, markaa, waa inaanay noqon wax cadawgeennu innoogu soo dhuunto.”

“Markaa, waxaan maanta leeyahay dadka dhibaatada koonfurta nagaga keenay in shicibka halkaas ka soo jeeda iyaga iyo Ciidammadooda la iska horkeenin oo ay iska jiraan oo aan looga dhigin cadaw iyaga xasuuqaya. Waa inay nabad ku wada nooladan Shacabka deegaannadaas Buuhoodle iyo Ciidammada Qaranka ee halkaa maanta (shalay) gaadhay.” Sidaas ayuu yidhi Cali Maxamed Waran-cadde.

Mr. Waran-cadde oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey sida uu u arko hanjabaad ka soo yeedhay Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya dawladdii Cabdiqaasim, Prof. Cali Khaliif Galaydh, taasoo ahayd inuu la dagaallami doono Somaliland iyo Puntland-ba, Cali oo taa ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Cali Khaliif Galaydh waa nin aqoonyahan ah, waxa uu ka mid ahaa raggii goob-joogga ka ahaa Shirkii Boorame ee Somaliland lagu soo dhisay 1993-kii, wuxu doonayey Ra’iisal wasaare, laakiin nidaamka dawladda markaa lagu soo dhisay wuu ka duwanaa kaas oo Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen ayaa shirkaa lagu doortay, markaa Cali waxaan leeyahay Somaliland waa dalkaagii, dadka ku dhaqanina waa dadkaagii ee walaaloow dab haka hurinin nabadgelyada wax ka soo horjeedana haku kicin.”

Sidoo kale, Cali Waran-cadde oo la weydiiyey sida uu u arko 22 Weriye oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo shalay xidh-xidhay, waxa uu yidhi; “Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo, waxaan ka codsanayaa inuu Weriyayaasha Xorriyaddooda u soo celiyo oo haddii uu jiro wax Weriyayaasha laga tabanayo qaab aan xadhig ahayn loo dhammeeyo. Xadhigga Weriyayaashu maaha wax sahlan, Weriyayaashu waa Muraayaddii waddanka, macneheedu maaha inanka Weriyaha ahi in la yidhaahdo waa Wiil yar oo Kamarad sita ee qabta, laakiin waxa uu gudbinayo ayaa ka weyn. Markaa, Madaxweyne waxaan kaa dalbanayaa inaan Dhalinyaradaa Weriyeyaasha ah ee Wiilasha iyo Gabdhahaba isugu jira aad xorriyaddooda u soo celisaan oo sii-daysaan.”

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net