Cali Sugulle Dun-carbeed: Dawankii Xornimada: Q.3aad- W/Q-Khadar Hayl

Webtii cawke anigoon ka kaban, welina dhiillaysan
Anigoon wadnuhu ii garrayn, wahabna aan goynin
Caawana ma weer baan xidhnahay, Cali intaan waayey
Waddaniga abwaankii ahaa, waracii suugaanta
Ma-waabtihii gumaystaha nec baa, warankii qoomaayey
Dun-carbeedna maantuu wed helay dunidu waa wiige

Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame”

Oo haddana kuye, weli waxa aynu dhex-mushaaxaynaynaa sooyaalkii iyo suugaantii badda ahayd ee AHN buunigii maansada, abwaan Cali Sugulle “Dun-carbeed,” bal maantana aynu ku hakanno oo isla eegno wixii uu marxuumku kaga qayb-qaatay habeenkii ay farxaddu ku gadaannayd ee xornimada, habeenkii heeryadii guumaysi la tuuray ee gobonnimada la taabay, habeenkii calankii ugu horreeyey ee Soomaali leedahay geyiga Somaliland laga taagay, habeenkii …………….

AHN abwaan Cali Sugulle “Dun-carbeed” oo muujinaya galladdaa iyo guushaa ay Soomaalidu gaadhay, islamarkaana daaha ka rogaya sida ay Soomaali oo idili ugu diirsatay guushaas iyada ah ee gaalkii looga reeyay ayaa habeenkaas lix iyo labaatankii Juun tirinaya heesta la baxday “dharaartii,” waxa heestan codka u sameeyey oo tumay AHN aabbihii Muusiga Soomaaliyeed ee Cabdillaahi Qarshe, waxaana qaaday oo ku heesay AHN fannaankii qaaliga ahaa Maxamed Yuusuf Cabdi oo hobolladii kooxdii walaalo Hargeysa u jiibinayaan, waxa aanay heestu leedahay:

Dhaaxaan gunnimo iyo dhibaato mutoo

Dhoomaha la iga saaray dhinacyada eey

Dharaartaan waxyeelladii dhaqdhaqeen

Calanka dhidibnay sow ma soo dhiciney

Dhaaxaa gaalku qaatay dheeraadoo

Anigana …….. la iga dhaxlee

Dharaartii xaqayga la ii dhigayee

La ii dhiibaayey sow ma soo dhiciney

Dhaaxaan baqay sidaan dhufaannahayoo

Ka dhowrsaday qaar dhiggaygee

Dharaartaan asaaggay dhinac galayeen

Ku dherersaday sow ma soo dhiciney

Dhaaxaa la i lahaa lagaa dhacanee

Dhawaaday oo waanigaa dhakhsadee

Dharaartii walaalkay loo dhisayeen

Hortii dhashay sow ma soo dhiciney

Bal maanta aynu heestaas ku gaabsanno, oo intaas yar ee aynu ka soo garoocannay suugaantii Cali Sugulle ee curatay lixdankii ka hor halkaas ku soo deyrno. Waa inoo qaybaha dambe iyo lixdankii ka dib illaa dhimashadiisii…..

La soco qaybaha danbe

Qalinka: Khadar Xuseen Daahir “Hayl”

Khadarxd@gmail.com

Hargeysa, Soomaalilaan.