Cali Sandulle iyo Xubno lala Afduubay oo Laascaanood Gaadhay iyo Badhasaabka Sool oo Ka hadlay

Laascaanood (SLpost)- Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Md Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) oo ay wehelinayeen xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale ayaa iyagoo nabad qaba saaka gaadhay magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool ka dib markii goor dambe oo shalay ahayd ay maleeshiyaad hubaysani si sharcidarro ah ugu hakiyeen Deegaano hoos yimaadda Degmada Xuddun ee isla gobolkaasi.

Md Cali Sandulle oo saaka si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada laascaanood ayaa dadweynaha u sheegay inay isaga iyo weftigiisu nabad qabaan islamarkaana aanay jirin wax dhibaato ah oo soo gaadhay marka laga reebo hal qof oo dhaawacmay.

Guddoomiye ku xigeenka urur siyaasadeedka Xaqsoor Md Cali Sandulle wuxuu ku adkaystay in carqalad kasta oo la isku dayo aanay hakin doonin qabsoomidda doorashooyinka golayaasha deegaanka Somaliland.

Geesta kale, Gudoomiyaha Gobolka Sool ayaa cadeeyay inaanu waxba u dhimayn afduubkii loo gaystay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Urur Siyaasadeedka Xaqsoor iyo Weftigii uu hogaaminayay Codbixinta loo dareeri doono maalinta Beri.

Somalilandpost.net