Cali oo Ka Sheekeeyey Sidii uu uga tagay Xisbiga Kulmiye iyo Saaxiibkiisii Hore ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo uu Sheegay inuu U baahan yahay Gurmad lagu Xoreeyo

mujaahid-cali-gurayHargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf, ayaa ka sheekeeyey taariikhdii ay isla mareen madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Xisbigiisii hore ee Kulmiye.

Muj Cali Guray oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu isbar-bardhigay doorkii madaxweyne Siilaanyo ku lahaa Warbaahinta markii uu mucaaradka ahaa iyo qaabka ay xukuumaddiisu wakhtigan ula dhaqanto, haseyeeshee waxa uu dhalleecayn adag ugu jeediyey masuuliyiinta xukuumaddiisa ka tirsan oo uu sheegay inay jihada ka khal-khaliyaan kuna takri-falayaan awooddii uu madaxweynuhu xaqa u lahaa.

Ugu horreyn Cali Guray oo ka warramaya qaabkii uu Xisbiga Kulmiye uga diga-rogtay iyo waxyaabihii ku kallifay, waxa uu yidhi,  “Anigu Wakhtigii Ololaha (doorashada), waxaan ahaa nin Xogogaal ah. Shan iyo Labaatan Sanno, ayaanu madaxweynaha Saaxiib ahayn, Siddeed sanno oo ka mid ah mucaarad baanu ahayn oo Kulmiyaanu wada ahayn. Dad badan baa ii qabay nin waalan, markii aan ka baxay Kulmiye oo sannad kaliya Guushii uga hadhsan tahay. Waxaan kari karayey inaan iska ag fadhiyo Odayga. Waliba dadka ugu mudan ee uu ugu kalsooni badan yahay, anigu ka mid baan ahaa. Waxaan ilaadiyey, waar maantaad arkeysaa Kulmiye’e, taas oo inta ay Guulaysato xilka qabata, caynkee bay u ekaan doontaa Xukuumaddaasi; Wallaahi Billaahi Su’aashaas oo Qudha ayaan is-weydiiyey. Dabadeed qoraal is-casilaad ahbaan qoray, in aan iska tago. Wuu noolyahay Madaxweynuhuye, Wuu iga Jeex-jeexay Waraaqdii, ma iga tagaysid ayuu I yidhi.  Mar labaad  baan go’aankaas qaatay inaan isaga tago, markiina niman aanu saaxiibo nahay, ayaa isku key duubay.

Mar saddexaadkii Illaahay mooyee, iyada oo aan qof qudha kala tashan, ayaa saxaafadda u yeedhay oo aan ka baxay. Waxaan uga jeedaa, Anigu waxaan ka digay, Kulmiye iyo Xukuumad ka dhalata Halka ay Somaliland geyn doonto, intay uga darto, Waar Abaar ka guur oo Abaar u guur, xal maaha baan anigu isa soo taagay.”

Mujaahid Cali Guray waxa uu xaaladda wakhtigan dalka ku mesaalay Gabay uu tiriyey Alle ha u naxariistii Abwaankii weynaa ee Aflow, waxaanu yidhi, “Marka aan isku soo xooriyo Kaambaynkeygii waxaan ku soo qaatay Gabay uu Gabay Aflow tiriyey, wuxuu ahaa ; CIRKA OO AWAAL GUDHAY, HADDUU OOGO KA HILLAACO AMI KHEYFKA GEEDDIGA, HADDII LAGU ITAAL GUURO, OO ARADKA DOOG LOOGU TAGIN, WAA AF-KALA-QAAD.

Waxan aad waddaan ee aynu la yaabbanahay waxa la yidhaahdaa Af-kala Qaad. Waa beeshaas Soo hayaantay ee hillaaca kor ka baxay aragtay, ee shanta Geeddi ee dhaadheer soo guurtay, ee markii halkay u soo guurtay ee roobka ka filaysay tagtayna, isaga oo boodhku ka duulayo timi ee afka kala-qaadday. Biyihii Hargeysa waxa ay u jiraan 70 Mayl, kuwii Awaarena intaas in le’eg bay u jiraan oo labaas dhexdooday taagan yihiin.

Waxa uu madaxweynaha ku dhaliilay caga-jugleynta xukuumaddiisa ku hayso warbaahinta madaxa bannaan, “Maanta Somaliland Halka aynu taagannahay waa Geeri-go’an. Hubaal la xidhaa Mushkilad maaha, shalayba waa la xidhay oo waa tii la xidhay Ina Cabdi Gaboobe, waxa la xidhay Ina Xaashi oo Ragga ugu mudan ah ayaa lagu xidhay xaq uu u leeyahay oo Axmed Siilaanyona ka soo horjeeday in la xidho. Shalay markii la xidhayey jaraa’idka dagaal weynbuu ka geli jiray, mudaharaadduu dhigi jiray, mudaharaaddada isagaa hoggaamin jiray.

Hargeysa Aniguunbaa mucaaradad ka dhigi Kara oo Faysal Cali Waraabe, Xasan Ciise iyo Cali Guray kama dhigi karaan, miyaa laga aqbalayaa Siilaanyo. Hargeysa aniguunbaa ka dhigi kara Mudaharaad ee idinku kama dhigi kartaan maanta ayuu leeyahay. Waa cadaalad-darro.”

Isaga oo ka sii hadlay Kiiska lagu xidhay wargeyska Hubaal, waxa uu yidhi,  “Kiisan (xidhitaanka Hubaal) waxa ka mid ah, ninka Maraykan wixii uu sheegay ilaa maantadaa aynu joogno ma jirto cid rasmi ah oo Beenisay. Markaa waxa weeye, waxa ay markhaati-furayaan wixii la sheegay inuu run ahaa. Waxa yaab leh, madbacadihiibaa la yidhi Hubaal waxba ha u daabicina. Xaq miyaa loogu leeyahay in Dukaan la yidhaa Cali Guray haka iibinina Xabbad Sigaar ama Saabuun ah, taasina way soo socotaa ileyn waxa la arkay dullinimada dadkeenna’e mar haddii meherad furan oo ganacsi lagu yidhi Hubaal waxba kama iibin kartid.

Mujaahid Guray waxa uu ku dooday in Maanta Madaxweyne Siilaanyo u baahan yahay in laga badbaadiyo Cid uu ku sheegay inay Qaranimada duullimaad ku yihiin. “Markii xukuumadda Siilaanyo guulaysatay, Faysal Cali Waraabe waxa uu yidhi Colkii Kulmiye kedinka ayay kaga daateen  baabuurkii, col kale ayuunbaa gudaha galay; colkaasi waxa kii aan anigu sheegayay, colkiina way ku jiraan.

Maanta madaxweynuhu waa Qalin, Qalinka waxbaa lagu qoraa, waxna waa lagu saxeexaa, eed malaha. Haddii Qof wanaagsani wax ku qoro, wax wanaagsan buu qorayaa, haddii qof wanaagsan wax saxeexo, wax wanaagsan ayuu saxeexayaa, laakiin haddii dadka intii ugu xumayd ay noqdaan inta Qalinka gacanta ku haysa, waxaynu ka sugnaa maaha wanaag. Isaga uma tudhayaan, mucaaradkaana u dhaama kuwa ugu dhow isaga, waxaana loogu kala hadimo iyo dhibaato badan yahay sida isaga loogu dhow yahay, markaa cidda ugu dhow isaga ayaa ugu dhibaato badan, markaa yaa badbaadinaya?” ayuu yidhi.

Radio DHEGAYSO QAYBO KA MID AH HADALKIISA

SOMALILANDPOST.NET