“Cali Khaliif Waxaan leeyahay maanta ninweyn oo da’ ah ayaad tahay kii nabada dhalin lahaa ayaad tahay ee kii xabad qaadan lahaa ma tihid..”Xaglatoosiye Oo Hargeysa Yimi

 

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Xaglatoosiye ayaa Hargeysa ku soo laabtay kadib safar uu ku tagay Buuhoodle oo uu kaga gacansareeyay Cali Khaliif Galaydh oo halkaas doonayay inuu ku qabsado shir.

Xaglatoosiye waxa uu Cali Khaliif u soo jeediyay in aanu joogin da’dii uu ku qaadan lahaa qoriga ee loo baahanyahay inuu nabada ka shaqeeyo, ilaaliyana muqadasnimada Somaliland, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Xildhibaanada,salaadiinta,shaqaalaha wasaarada caafimaadka iyo warbaahintaba waan salaamayaa waanan idiinka mahadnaqayaa sida wanaagsan ee aad iiso dhawayseen, safar shaqo ayaan ku maqnaa  oo alle nagu soo guuleeyay, Somaliland midnimadeedu waa muqadas, Somaliland reer Somaliland ayaa leh, firkir khaldan oo lagu kala qaybinaayana ma ogolin, nabadgalyadeedu waa muhiim cid kasta oo nabadgalyadeeda wax u dhimaysana Somaliland u adkaysan mayso, waxaan uga digayaa qolyaha Buuhoodle ka tagay ee Baligacad fadhiya ee qaska iyo nabadgalyo darada wada inay ka waantoobaan waxay ku suganyihiin. Cali Khaliif Waxaan leeyahay maanta nin weyn oo da’ ah ayaad tahay kii nabada dhalin lahaa ayaad tahay ee kii xabad qaadan lahaa ma tihid, kii nidaamkan yar ee qaldan ee aad ku socotana mari lahaa ma tihid kaalay oo ka qaybqaado nabadgalayda iyo horumarka.”