“Cali Khaliif Waa Oday Maraykan ah, Waa 80-jir, Waa Markii Saddexaad ee uu dadkii u lugoynayo..” – Wasiir Cali Sandule (DHEGAYSO)

Hargeysa (SLpost)- Wasiirul-dawlaha Nabadeynta iyo Horumarinta gobollada Bariga Somaliland Cali Xasan Axmed (Cali-Sandulle), ayaa sheegay in aanay Xukuumadda Somaliland mar dambe u dul-qaadanayn Isku-dirka iyo Hubka ay Kooxda Khaatumo isugu dhiibtay Shacabka ku dhaqan deegaannada gobolka Sool, gaar ahaan degmada Taleex oo dhowaan ay ku dagaalameen laba beelood oo deegaankaas wada-dega.

SANDULEWasiirku waxa uu sheegay inaanay mar dambe dhici doonin in Kooxda Khaatumo ee Cali Khaliif Odayga u yahay aanay mar dambe luggooyo u geysan doonin shacabka gobollada Sool iyo Buuhoodle, isaga oo sababta ciidamadu u galeen degmada Taleex ku micneeyey mid loogu gurmanayo shacabka ku dhaqan degmadaas oo todobaadkii uu ka furmay shir aanay dadka ku dhaqan gobolkaasi u wada-dhamayn oo khilaaf keenay isku-dhac laba beelood ka dhashay, balse shirkaas la hakiyey markii ay Ciidamada Qaranku galeen degmadaas isla markaana ay baxsadeen raggii abaabulayey Shirkaas.

HALKAN KA DHEGAYSO

SOMALILANDPOST.NET