“Cali Khaliif waa nin weyn oo Oday ah, xaaladda uu immika ku sugan yahayna waa xaalad aad u liidata, waxaanu ka xunnahay” – Xagla-toosiye

HARGEYSA (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), ayaa maamul-goboleedka Puntand uga digay dhaq-dhaqaaqyo iyo ololeyaal ka dhan ammaanka deegaamo ka tirsan dalka oo maamul-goboleedkaasi damacsan yahay inuu ku qas-galiyo gobollada Bariga Somaliland.

“Cali Khaliif waa nin weyn oo Oday ah, xaaladda uu immika ku sugan yahayna waa xaalad aad u liidata, waxaanu ka xunnahay” – Xagla-toosiyeWasiir Xagla-toosiye waxa uu sheegay xukuumad ahaan inay ka war-hayaan dhaq-dhaqaaqyada maamulkaasi wado iyo Guddi madax looga dhigay Axmed Cabdi Xaabsade, Wasiirkii hore ee Warfaafinta iyo Hawlaha Guud ee Somaliland oo dhowaan u goostay maamulkaas, guddigaas oo loo xil-saaray carqaladaynta ammaanka iyo xasiloonnida gobollada Bariga Somaliland, gaar ahaan gobolka Sool. Wasiirka Caafimaadka Somaliland waxa uu maamul-goboleedka Puntland ee Cabdiweli Gaas madaxweynaha ka yahay uga digay inay horseed ka noqdaan xasilooni-darro iyo Isku-dhac ammaanka gobolka saamayn ku yeesha oo dhex-mara Dawladda Somaliland oo uu sheegay inay diyaar u tahay isla markaana ay mudnaanta ugu weyn siinayso nabad-ku-wada noolaanshaha waddamada deriskeeda ah.

HALKAN KA DAAWO WASIIRKA OO ARRIMAHAN KA HADLAYA