Cali Khaliif oo Isbahaysi la Samaystay Koox Kale oo Nabad-diid ah, Xilal Bilaa Xarrumo ahna Magacaabay

 

 

Hargaysa(SLpost)-Prof. Cali khaliif Galaydh oo ah Hoggaamiyaha Kooxda la baxday Maamulka Khaatumo, ayaa magacaabay Guddiga Wada-xaajoodka Maamulkiisa u qaabbilsan oo shan xubnood ka kooban, isla markaana waxa uu sheegay inaanay waxba ka jirin warar sheegaya in Guddigaasi bilaabayso wadahadallo Somaliland ay ku soo galayaan Hoggaanka Khaatumo.

Cali Khaliif Galaydh waxa uu sidaas ku sheegay mar uu ka hadlay Kulan ay shalay isugu yimaaddeen isaga iyo Kooxda uu hoggaamiyo oo ka dhacday deegaanka Balli-cad oo ka tirsan degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn, halkaas oo uu kaga dhawaaqay magacyada dhawr iyo labaatan Xubnood oo Wasiirro, Wasiiru-dawlayaal iyo Wasiir Ku-xigeenno iyo Guddiyo kala duwan uu ugu macaabay, qaarna isku beddelay Kooxda uu hoggaamiyo.

Cali Khaliif Galaydh, ayaa bishii September ee sannadkan aynu ku jirno shaaciyey in Kooxda uu hoggaamiyo ee Khaatumo wadahadal la bilaabayso Xukuumadda Somaliland, isagoo xusay in Somaliland wax badani ay ka dhexeeyaan, dhinacyo badan markii ay wax ka eegeenna ay ka wadi waday oo ay lagama maarmaan noqotay in Kooxdu wadahadal la furto Somaliland.

Prof: Galaydh oo ka hadlaya Guddiga Wada-xaajoodka ee uu magacaabay iyo warka laga faafiyey

“Guddiyo ayaa jira sida Dastuurku inna farayo, Guddiga ugu horreysaa waa Guddiga wada-xaajoodka, cidda qabta inay tahay wax Somaliland lagu galayo, warkaasi waa ina wax-kama-jiraan, waa been aan sal iyo raad toona lahayn. Guddigaasi waxay ka kooban yihiin; 1. Cisman Xasan Xaaji Cumar, 2. Cali Ciise Cabdi, 3. Nuur Maxamed Gaas, 4. Maxamed Cabdiraxaan Xaaji Ibraahin, 5. Cabdirashiid Macallin Faarax, bal cidda odhanaysaa annagaa intaaba ka fiican, annagaa danaha Khaatumo u dhiifoon, haad-burhaanag bannaanka ha isa soo dhigo.”ayuu yidhi Cali Khaliif.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, waxa uu sheegay inay muhiim tahay inay wax isku darsadaan ama bahoobaan waxa uu ugu yeedhay Maakhir State oo meel ay ka jiraan la arag, balse ah koox dibed-wareeg ah oo sheegata inay Maamul ka dhisayaan deegaannada Bariga gobolka Sanaag ee Somaliland.

“Innaga iyo ciddan aynu walaalaha nahay ee aynu deriska nahay ee reer Maakhir bal maynu Geelasha isku darsanno? Hawshaasi muddo ayey soo socotay, inta badan wadahadallo waddanka dibeddiisa, magaalada Xamar, magaalada Nairobi muddo ayay hawshaasi socotay. Dadka qaar baa waxay leeyihiin, innagu (Khaatumo) waxaannu moodaynay inaynu dhisannahayoo, dawlad nahaye, waa maxay Jabhadnimadan dib loogu noqday, waar Jabhadnimo maaha ee waa dad wax innaga dhexeeyaan.” Sidaa ayuu yidhi Cali Khaliif Galaydh.