Cali Khaliif Galaydh Oo Ku Calaacalay In Hooyadii Joogto Buuhoodle Qirayna In Deegaankaas Lagaga Awoodbatay

 

Baligacad(SLpost)-Cali Khaliif Galaydh ayaa ku calaacalay in wasiir Xaglatoosiye caadaystay inuu Buuhoodle yimaado mar kasta oo uu magaaladaas tago, waxaanu ku cel celiyay inuu magaaladaas hooyadii ay joogto hantina uu ku leeyahay.

Cali-Kahliif-Galayr-Khaatumo

Cali Khaliif Galaydh oo ka murugaysnaa sida loogaga awood batay Buuhoodle ayaa u mahadnaqay dadka deegaanka Bigacad oo uu sheegay inay si wanaagsan u soo dhaweeyaan waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Waxa joogay maalmahan wasiirkii caafimaadka maamulka Somaliland oo aad moodo in uu caado ka dhigtay, markaan magaaladaas tagoba inuu yimaado, anigu reer Buuhoodle ayaan ahay, hanti ayaan ku leeyahay,eheladaydii oo dhan ayaa joogta oo ay hooyaday ugu horaysayso, marka aan doono aniga oo aan cidna uga fasaxa qaadan ayaan tagayaa, aniga oo shaqsi ah iyo aniga oo madaxweynaha Khaatumo ahba, dadka halkaas kunoolna boqolkiiba shagaashan wax la jiraa waa Khaatumo, ninkaas iyo qolyo ka yimaad Puntland dhulka waa ay u dhasheen oo cidina ka celinmayso, waxaanse aaminsanahay baabuurta iyo dadka Xaglatoosiye ka horyimi maaha dad reer Somaliland ah.”