Cali-gurey Oo Xilka Xukuumadda Ee Shantii Sanno Ku Tilmaamay Mid Lagu Hungoobay

Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiye Ku-xigeenka 3-aadee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Muj. Cali Yuusuf (Cali-gurey) ayaa si qoto dheer uga hadlay hanaanka hogaamineed ee Xukuumadda Xisbiga Kulmiye dalka kusoo hagayay Shantii sanno ee ugu dambaysay ee ay hayeen caynaanka Umadda.Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in Xisbiga KULMIYE si weyn loogu hungoobay,isla markaana aanu gayin in markale xil lagu aamino.

Dhinaca kalena,waxa uu ka hadlay Waraaqda sirta ah sida weyn looga hadalhayo guud ahaanba dalka,isaga oo sheegay in aanay Shakhsiyadiisa ula muuqan wax sidaas usii weyn,waxaana uu intaas raaciyay in Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE u muuqdo nin aan Xilkiisa garanyn.

Cali Guray oo qoraal ku baahiyay barta xidhiidhka Bulshadda ee FACEBOOK-ga ayaa waxa u u dhignaa sida tan: “KULMIYE mar baynu geela ku darnay oo wuxu noqday awr dhal xun. Mar kale hadii dhal xumadiisa geela ku darno waxaynu ka filaa waa ka sii xun. Kud iyo cadhaba dishay wax dib geel loogu darsado maaha dhal xumadiisa. Tan kale Somaliland ma jaadle ayay ka liidataa marka jaadkii hore oo yaala mid cusubi ka soo dul dhaco Iyaguba wixii hore quba ayay yidhaahdaane.

Bal warqadan yar inta ka hadashay eega iyo siday uga kala hadleen eega. Waxad is odhanaysaa miyaanay xukuumad keliya ahayn mise iyaga dhexdooda ayay deeradu kala dhex miranaysaa oo waxay ka dhigteen hub ay isu adeegsadaan.

 

Anigu runtii warqadan yar wax muhiim ah umaan arag. Waan rumaysanahay in qoraalka Sucuudigu isu qoray sax yahay uu jiro Laakiin heshiiska uu qoraalku ka waramay ma jiraa oo cadayn ma loo hayaa? Iska dhaafa dagaalka xidigaha ee wasiirada saaxiibka ahaan jiray ee bal ma dhegaysateen Gudoomiyaha Kulmiye iyo Af hayeenka Madaxwaynaha ee iyagu gartiiba qaaday ee midba dhinac u riday. Sua’aashu waxay tahay labada masuul ma mucaaridka arinka wadwaday bay taaga u jawaabayeen mise laba col oo gudahooda ah ayay u kala hadlayeen. Tan kale

Muse Biixi waxad moodaa in aanu xilkiisaba garanayn waayo iyada oon weli jawaab rasmi ah oo warqadan ku saabsan xukuumadaba ka soo bixin ayuu isaga oon ka tirsanayn xukuumadii jawaabta looga fadhiyay is midi roortaynayaa kana jawaabayaa wax aan isaga looga fadhiyin inu ka jawaabo. Kolay malaha jawaabta rasmiga ah ee xukuumadda waxa uun loo qaadan karaa hadalka Wasiirka Arimaha Dibadda, ama ha lagu qanco ama yaan kagu qancine; inkasta oo anigu ilaa hadda aanan maqal”.