Cali-gurey Oo Naqdiyay Shirka Mucaaradka, Kuna Sifeeyay Mid aanay Waxba Kasoo Baxayn

Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Somaliland ee Ucid Cali Maxamed Yuusuf ayaa naqdiyay shirka axsaabta uga furmay magaalada Hareysa, isagoo ku sifeeyay in shaqsiyaad durba xusul duubteen.

Waxa uu sheegay Cali Guray in ajandaha shirka ujeedo laga leeyahay sida uu cadeeyayna aanay jirin wax ka soo baxayaa.

Cali Guray Sidaasi waxa uu ku sheegay Qoraal kooban oo uu soo dhigay Barta uu ku leeyahay Facebooga waxaanu yidhi. “Waxaad moodaa in madmadow badan oo ku saabsan shirka mucaaridka ee xisbiyada mucaaridku qabanqaabadiisa leeyihiin uu jiro oo xataa mucaaridka dhexdiisa aan si loo wada fahmsanayn oo ay jiraan shakhsiyaad u dhigaya inuu yahay Sharwayne qaran oo loo wada dhan yahay halka kuwo kalena ay u arkaan shir wada-tashi oo mucaaridku ka yeelanayaan marxaladdan adag, isla markaana xasaasiga ah ee dalku marayo.  Waxa muuqata in aan Shirka ajandihiisa, ujeedoyinka laga leeyahay iyo kuwa laga kala leeyahayba, iyo weliba natiijooyinka laga fili karayo inay shirka ka soo baxaan aan midna la isla meel dhigin ama aan la qeexin.
Waxa kale oo iswaydiin leh cida gacanta ku haysa maaraynta hawlaha shirka oo ay durbo muuqato in aan loo sinayn taladuna aad moodo in meel gaar ah laga hagayo.

Sida daraadeed kama fursan karto inta aan hore loogu sii socon in si mug leh la isula qaadaa dhigo shirkan arimihiisa oo dhan si looga hortago inu muran ka dhex dhalin karo mucaaridka iyo xisbiyada gudahooda.

Wa Bulaahi Tawfiiq
Cali Maxamed Yussuf
Guddoomiye Ku-xigeenka 3aad ee
xisbiga UCID