Cali Guray oo soo bandhigay Dhaliilo dul-hoganaya Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo talooyin Xal u noqon kara Muranka Dhulka iyo sharciyaddiisa

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID Muj. Cali Maxamed Yuusuf, ayaa ka hadlay muranka dhinaca soohdinta dhulka ee u dhexeeya Golayaasha Deegaannada magaalooyinka Hargeysa iyo Sallaxley oo tiraba dhowr jeer Muran khasaare geystay ka dhashay.

Cali Guray waxa uu si adag u dhaliilay golaha Deegaanka Hargeysa iyo hab-dhaqanka ay ku maamulaan dhulka oo uu ku tilmaamay inuu baalmarsan yahay sifada sharciga ah ee loo oggol yahay, waxaanu soo jeediyey in wax beddel lagu sameeyo shuruucda u dejiyan maamulka dhulka iyo qorsheyaasha fiditaanka ay magaaladu ku sii siqayso dhulka beeraha ah ee ku hareeraysan nawaaxiga duleedka magaalada, kuwaas oo ay iska leeyihiin dadka Shacabka balse dawladda Hoose marka ay u qorshayso dhulkooda laga sameeyo Dhul danguud ah oo loogu talo-galay in laga dhiso adeegyada bulshada, balse ay dawladda hoose sifo sharci-darro ah ugu takri-fasho.

cali-gurayMujaahid Cali Guray waxa uu arrintan kaga hadlay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook, kaas oo uu ku soo qaatay dhaliilaha dawladda hoose ee dhinaca maamulka iyo talooyin uu u arko inay xal u noqon karaan muranka dhinaca Dhulka iyo sharciyaddiisa.

Qoraalka Cali Guray oo aad u dheer, ayaa u qornaa sidan: “Waxa jiq isku ah golayaasha degaamada ee caasimada Hareysa iyo Salaxlay. Muranka u dhexeeya labada dhinac ee dhulka ama xadka labada degaan ee caasimada iyo Salaxlay waxa kow ka ah dhinaanshaha shurciga oo kolka hore waxa aan jirin Xeerkii caasimada oo muddo ka badan lix sanadood ahaa mashruuc sharciyeed si ula kac ah loo horjoogay inu ka gudbo baarlamaanka,sababtana waa laguu yaqaan ama nin rag ihina wuu og yahay nacasna loo sheegimaayoba dheh, oy shakhsiyaad siyaasiyiin ah oo xukuumadda iyo wakiiladaba lihi Waxa kale oo isaguna qabyo ah Xeerkii Kala Xadaynta Gobolada Iyo Degmooyinka. Sidaa daraadeed hadii dayax la waayay xidigaha in lagu gudo dan baa tidhi.

Marka ugu horaysa waxa haboon in la fahmo dhulka la hubo ee caasimadu in uu yahay magaalada oo ah inta uu dhismaheedu gaadho. Fiditaanka xawliga ku socda ee magaaladu haba jiro eh waxay ahayd inay ku fiddo sharci iyo qorshe cilmi ku fadhiya oo aan fiditaankeedu noqon jaantaa rogan iyo baloodhayn sida ay hadda tahay.Inta aynaan ku boodin arinta ku xusan mawduuca ee aynaan u garqaadin Salaxlay iyo Hargeysa bal in yar aynu dib u milicsano hab dhaqanka Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo waxa ay ugu yeedho Qorshaynta Dhulka lakiin anigu aan odhanayo baloodhaynta dhulka banaan. Dawladda Hoose ee Hargeysi waxay mar walba danaysaa mudnaanta koobaadna siisaa inay dhul cusub oo ka baxsan magaalada ay qorshayso iyada oo dhamaan dhulalka ay qorshaysaana ay yihiin kuwo ay u sharciyaynayso shakhsiyaad iyagu sheeganaya lakiin aan runtii lahayn ama wada lahayn dhulka loo sharciyaynayo lakiin ay madaxda dawladda Hoose iyo xubno ka mid ah Golaha Deegaanka oo ka soo jeeda hayb ahaan jiida la qorshaynayaa ay heshiis gaar ah leeyihiin, iyaga oo had iyo goor xubnahaasi ka noqdaan cago demdemlayaasha u dhexeeya madaxda Dawladda Hoose iyo qabqablayaasha dhulka aanay lahayn ama wada lahayn loo sharciyaynayo. Qorshahaynta dhulka oo ah mashruuc danwadaageed oo dhincyo badan kulmiya mararka qaarkoodna ay xataa bilayska iyo maxkamaduhu ka qayb galaan qori tuurka saami qaybsiga qorshaha baloodhaynta dhulka banana eek u salaysan qiyaasta baloodhka ee loo yaqaan (LIXDAB IYO SIDEETAN) iyada oo tobankii baloodhba inta la isku xidho la yidhaa bolog(block). Bolck-yada waxa kala dhex mara ama loogu talogalaa inay kala dhex maraan wadooyin kala qoqoba oo baladhkoodu yahay lix ilaa shaniyotoban mitir. Qorshaha noocan ihi maaha mid inagu cusub ee waa mid ku abtirsada xiligii Siyaad Barre oo aan waxba laga bedelin waxanu si toos ah carqalad ugu yahay qorshii saxa ahaa ee caasimadaynta Hargeysa oo u baahnaa runtii in si curin iyo halabuurnimo leh looga baaraan dego loona dejiyo.

. Marka la isku wada daro dhulka la baloodhaynayo 30% ayaa lagu sheegaa Dan Guud hadaba marka dambe la waayaahalka 70% na ay noqoto dan gaar ah oo cidii dhulka loo qorshaynayay iyo intii la hal maalaysay ay sharci ahaan u yeeshaan . Xataa hadii ay jeclaan lahaayeen masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Hargey awood uma laha in qorshahooda dhulka ay ku saleeyaan danta guud iyo baahida bushada ku nool caasimadda waayo maba hayaan dhul ay u madaxbanaan yihiin qorshihiisa. Sidaa darteed ayaa qorshaha dhulka ee Dawladda Hoose ee Hargeysi uu yahay mashruuc ku wajahan baloodhaynta dhulka iyada oo cidda ugu dambaysta loo adeegayaana ay tahay qabqab layaasha dhulka aanay lahayn ama wada lahayn loo sharciyaynayo. Mararka qaarkood dhulka la baloodhaynayo waxa dhacda in la isku qabsado oo ay isku qabsadaan laba dhinac oo aan mid koodna aanu ka lahayn inta kale ee muwaadiniinta ah ee iyagu xataa meel ay ku nooladaan ama degaan aan ku lahayn dhulkii ilaahay ku abuuray. Cadaalad darada ka jirta dhinaca dhulka ayaa sabab u ah in laba muwaadin oo u siman dhulka uu midna ka waayo buqcad uu dego oo ku noolaado mid kale na loo baloodheeyo dhul boqolaal iyo boqolaal balood u noqda oo qiime qaali ah uu kaga iibiyo cidii awooda, gaal iyo muslin shisheeye iyo sokeeyaba.

Hadii aynu ku soo noqono muranka soo kala dhex galay golayaasha degaanka ee caasimad iyo Salaxlay wuxu qarxay markii la bilaabay dhismaha wadada cad ee Hargeysa/Salaxlay taas oo keentay in qiimihii dhulka laamigu maray iyo inta ku dhawi ay muuqatay in qiimihiisu kor u kacay siina kici karo mustaqbalka taas oo damac iyo hunguri soo kordhisay gaaar ahaan intii mashruuca baloodhaynta ku ahayd danwadaagta iyo intii kale ee degaanka ahayd ee iyaguna quud daraynaysay.Dabcan Dawladda Hoose ee Hargeysa waxay arintan u arki kartaa fursad dakhli korodhna ugu jiro mashruucii baloodhayntuna uu suuqiisu xaami noqonayo hadii dhul fidsiga caasimada cagta loo saaro wadada cusub ee laamiga ah ilaa maasha Allah mar hadii aanu jirin xad soo celinayaa. Lakiin nasiib darro ama nasiib wanaag waxa ka horyimi qorshiihii Hargeysa Golaha degaanka ee Salaxlay taas oo

Sida aynu ognahay degmadii hore ee Hargeysa waxa jira ilaa todoba degmo oo laga dhex sameeyay kuwaas oo ay ka mid yihiin Salaxlay iyo Baligubadle oo grade “C” oo iyagu doorta golayaashooda degaanka ee u gaarka ah iyo ilaa shan degmo oo grade “D” ah oo aan laga dooran golayaal balse golaha caasimadda uun wax ka doorta. Dabcan taasi waxay ku keentay labada degaan ee Salaxlay iyo rBaligubadle oo ay lumiyaan saamiyadii ay ku yeelan kareen golaha caasimadda hadii dhamaan 7da degmoba ay golayaashooda ooran lahaayeen caasimaduna keeda uun laga dooran lahaa. Waxa yaab leh shanta degmo ee grade “D”da ah ee golaha caasimadda wax ka doortaa in aan hadana Golaha Caasimaddu wax shaqo ah ku lahayn ee daladda dhexe ay gudiyo u magacawdo. Halkaa waxad ka garan kartaa in ay cadaalad darro ku jirto oo weliba ay sababta koobaad ee loo hor taagan yahay Xeerka Caasimadu ay iyada tahay.

Hadaba marka ay taasi jirto mashruuca baloodhaynta ee aan meel uu ku joogsado lahayn ma qaldan hadii Golaha Degaanka ee Salaxlay uu iska waabiyo ilaa intaa sharci lagu kala baxo la helayo.Maanta waxa jira dadka ku nool duleedka Hargeysa oo aan xaq u lahayn inay golaha caasimadda ay wax ka doortaan halka kuwo u jira 100KMna ay doortaan golaha caasimada oo aan wax xil ah u haynin iyaga. Sidaa daraadeed waxa sax ahayd in dhamaan degmooyinka oo dhami ay golayaashooda doortaan iyada oon loo kala eegin graydhkooda tiro ahaan haba kala yaraadaan eh. Ama degmooyinka ay dawladda dhexe gudiyada u magacawdaa aanay ka qayb gelin doorashada golaha caasimadda kuwaas oo kala ah, Farowayne, Daarasalaam, Dacar Budhuq, Cadaadlay iyo Sabo Wanaag.

Runtii taasi maaha cadaalad ee waxay ahayd cadaaladu in dhamaan degmooyinka oo dhami ay golayaashooda doortaan iyada oon loo eegin giraydh xataa haba kala yaraadaan tirade golayaashoodu eh. Imika dad ku nool meel Hargeysa u jirta 10KM ama ka sii taagayo.

Magaalooyinka dunidu way koraan waxayse leeyihiin shuruuc ay ku dhaqmaan waanay ku kala duwan yihiin. Magaalada London intay dhaaftay xuduudihii golaheeda degaanka ee Westminster ayay is gaadheen magaalooyin kale oo leh golayaashood.Tusaale ahaan xaafadda Heathrow ee madaarka Heathrow Airport uu ku yaalo waxay ka tirsan tahay golaha Hanslow taas oo keentay in qaybo manta ka mid ah London in ay hoos tagaan golayaal degaan oo aan ka London ahayn. Markaa bl inaga haii heega loo siidayo mashruuca baloodhaynta dhulka banana oo Toon daaye ilaa Qoolcaday socoto miyaanay noqonayn in qaybo Caasimadda ka mid ahi ay hoos tagaan Salaxlay.

Sida uu dhigayo xeerka caasimadda ee magaalada Addis Ababa xuduudaha caasimaddu waa inta uu dhismaha magaaladu gaadho lakiin xeerku wuxu xusayaa in fiditaanka caasimadda ee ka baxsan inta dhismaheedu gaadho gorgortan lagal gelayo degaamada ay ku fidayso oo laga heshiinayo. Marka ay kan eegno Goaha Degaanka ee Hargeysi waxay noqon lahayd in ay degaanka Salaxlay kala gorgor tamaan dhulka banana ee caasimadu ku fidayso.

Magaalada Djbouti sharci ahaan dhulka waxa leh Qaranka( State) waxana masuul ka ah dawladda oo ku qorshaysa siyaasad siyaasadeeda ku wajahan manaafaacaadsiga( Land Utilization Policy), guryaha oo kala duwan, bilicda iyo nasashada, warshadaha iwm. Dhulkana qofka ay dawladdu ka iibisay ama siisay ma iibin karo ilaa uu dhisto. Tan Djibouti inaga waynu og nahay oo dhul Qaranku leeyahay ama loo ogol yahay ba ma jiro.Xeerka qabyo qoraalka ah ee Caasimadda Hargeysa, in kasta oo marba la bedbedelo xuduudaha caasimada wuxu xusaa inay tahay 15Km ilaa 20 Km laakiin lama ansixin.

Si kastaba xaalku ha ahaado eh magaalada Hargeysa in la caasimadeeyo looma hagar bixin qorshaha baloodhaynta ee Lixdan Sideetana hadii aan la qaban wuxu ku dambayn ALIFKA BILAWGA KAA QALDAMAA AL BAQARUU KU DHIBAA,” ayuu Cali Guray ku soo gebo-gabeeyey Qoraalkiisa.