Cali Guray Oo Komishanka Doorashooyinka Ku Duray Musuqmaasuq

Hargeysa(SLpost)- Guddoomiye xigeenka saddexaad ee xisbiga Ucid Mujaahid Cali Guray ayaa komishanka doorashada ku eedeeyay inay lunsadeen lacagtii wacyigelinta diwaangalinta codbixiyeyaasha. Waxa kale oo uu tilmaamay inay komishanka soo galeen lacago badan oo cid aan iyaga ahayni hayn xisaabtooda.

 Farriin Qoraal ah oo bartiisa Facebook uu ku baahiyay Cali Guray ayaa u dhignayd sidan “Ha Fadhido Farow Miyaa? Mar kasta waxa mashaariicda muhiimka ah ee Somalland fashiliya waxay marka ugu horaysaba noqotaa dhinaca wacyi gelinta oo cidda maamulka mashaariicda gacanta ku haysaa ay ka gaabiso inay si mug leh u agaasinto.

Mararka qaarkoodna kharashka marka horeba yaraa ee loo qoondeeyo wacyigelnta ayaa noqda wax si dhib yar loo lunsan karo waayo marxaladda qorshaynta hore ayaanay wacyigelinta ku qeexnayn natiijooyin la cabiri karaa(measurable results) taas oo noqon karta wax loo kaso si loo leexsado kharashkii hadana aan loogu heli karin cadaymo. Taas oo keeni karta in wacyigelin hadii si haboon loo fulin lahaa ay dadku fahmi kari lahaayeen wax madmadow ahina aanu yimaadeen ayaa keeni kara in boqol kun oo la lunsaday uu u fashilo mashruuc toban milyan oo doolar qiimohiisu gaadhi karo.

Waxa nasiib darro ah Komishankani wuxu helay 300 000$ oo ka baxsanayd kharashkii Diiwaangelinta codbixiyaha loogu talo galay ee EUda iyo Dawladdu ay qaybsadeen taas oy ka heleen Haya’d kale oo aan iyadu ku lug lahayn arimaha doorashooyinka Somaliland. Dabcan kharashka diiwaangelintana waxa loo qoondeeyay Wacyigelinta miisaaniyad gaar ah si loo isticmaalaya labada lacagayow cid ka warqabta oon komishanka ahayni ma jirto lakiin waxa keliya ee aan la dafiri karini waa wacyigelinta maqan ama heer ahaan aadka u hoodsysa oo sabab u ah madmadow badan oo ka muuqda hawlaha dhinaca Diiwaangelinta ee Komishanku gacanta ku hayo. Sua’aadhuna waxay tahay goldaloolooyinka muuqda oo dhan ma waxaynu u nisbayn karnaa khibrad yaraanta xubnaha Komishankan Cusub mise wax kale ayaa jira? La arki doonee”