Cali Guray oo ka hadlay Ujeeddada Kulan Goob-joog uu ka ahaa oo Dhexmaray Muuse Biixi & Jamaal Cali iyo Cidda codsatay

Cali Guray oo markii u horeysay Dhaliilay Jamaal Cali Xuseen & Hankiisa Siyaasadeed, kana hadlay cidda uu taageeradiisa siyaasadeed u hibaynayo

Hargeysa (SLpost)- Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa ka hadlay kulan uu goob-joog ka ahaa oo dhexmaray Muuse Biixi Cabdi iyo Jamaal Cali Xuseen, kulankaas oo dalabkiisa ama rabitaankiisa uu iska lahaa Murshaxii Madaxweynaha ee UCID, sida uu sheegay Cali Guray.

cali-guray42Guddoomiye Ku-xigeenkii Saddexaad ee xisbiga UCID, Cali Maxamed Yuusuf, waxa uu arrimahan iyo qaar kale oo badan kaga hadlay mar uu maanta warbaahinta qaarkeed kula hadlay Hargeysa, waxaanu dhaliilo u jeediyey Jamaal Cali Xuseen oo ku hankiisa siyaasadeed ku tilmaamay mid guul-darrastay kaddib markii Jamaal Cali Xuseen baal-maray talooyin siyaasadeed oo uu sida uu sheegay Cali Guray u jeediyey murashax Jamaal oo dhawaan lagaga adkaaday loolan xagga siyaasadda oo dhexmaray Xisbiga UCID oo laba garab u kala jabay, kaas oo mid ka mid ah oo Guddoomiyaha Xisbigaasi Faysal Cali Waraabe hoggaaminayaa shir magaalada Hargeysa ugu qabsoomay murashaxnimada Xisbigaas loogu doortay Faysal Cali Waraabe, halka garabka Jamaal Cali Xuseen ay xukuumaddu ka horjoogsatay shir ay ku qabsanayeen Hotel Maansoor ee Hargeysa.

HOOS KA DAAWO CALI GURAY OO SI FAAHFAAHSAN UGA HADLAYA ARRIMAHAAS IYO QODOBBO KALE OO WAX LAGA WEYDIIYEY