Cali Guray oo Hees Digasho iyo Hogo-tusaaleyn Xambaarsan kaga dareen-celiyey Xukunka lagu Riday Haatuf iyo Masuuliyiintiisa

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf, ayaa weedho xambaarsan wiirsi iyo wadhida kaa raacday xejiso kaga dareen-celiyey xukunka Maxkamadda gobolka Hargeysa ku ridday Wargeyska Haatuf iyo masuuliyiintiisa.

cali-gurayWaxay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ku xukuntay Guddoomiyihii Wargeysyada Haatuf iyo Somaliland Times, Yuusuf Cabdi Gaboobe saddex sano oo Xabsi ah, halka Tifaftiraha Haatuf Axmed Cali Cige lagu xukumay afar sano oo xadhig ah iyo Wargeysyadaas oo Maxkamaddu sheegtay inay ku xukuntay in lagala noqdo Ruqsadda oggolaansha ah iyo Ganaax dhan Konton Malyan oo Lacagta Shilinka Somaliland ah.

Cali Maxamed Yuusuf oo boggiisa Facebook uu ku leeyahay soo dhigay qoraal uu ladhay hees caan ah oo uu midhaheeda curiyey, codkiisana ku qaadayo Abwaanka weyn Cabdi Aadan (Cabdi-qays), waxa uu sheegay inay isaga iyo Yuusuf Cabdi Gaboobe ku collobeen taageerada Siilaanyo.

Haseyeeshee, marka laga yimaaddo micnaha ku duugan midhaha heesta uu qoraalkiisa ku ladhay, waxa uu Cali-guray ka cudur-daartay inaanu qoraalkiisu ahayn mid digasho ah, laakiin uu ka mid yahay tusaaleyaasha wax-ku-qaadasha leh ee u dambeeyey Cid kasta oo taageero u muujisa Madaxweyne Siilaanyo.

Qoraalka Cali Guray ku baahiyey bartiisa Facebook, ayaa u qornaa sidan:-

“Saaxiibkay ina adeerkay Yussuf Cabdi Gaboobe waa la ogaa oo xukuumadan waanu ku kala aragti duwanayn. Beryo hore oo aanu marar telefon ku wada hadlay waxa ugu muhiimsan ee aniga uu i baryi jiray waxa ugu badbayd daa Axmed Siilanyo waa mujaahidkiiye iyo Cabdillahi Cukuse daa waa saaxiibkeen eh.

Saaka waaberigii iyada oon cid goobjoog ihi jirin ayaa amar madaxtooyada laga soo dhiibay lagu xukumay. Xaalayna odayga waxa malaha la daawadsiiyay garsoorihii Cabdixman siisiga Masar ee xukunkii suxufiyiinta Aljaziira. Lakiin waa laga bakhtiiyay qayladii dunida dimuqraadiga ihi ay ku dhufteen ee afka iyo indhaha la wada xidhay.

Ku digan maayo Yussuf oo qof dulman anigu kuma digto ku digashadana ma aqaan, laakiin hadana waxaan odhanayaa Yussuf-na intii aan Muuse Biixi hore u idhi:

ADAA HABAR WARKEEDIYO

HAWO BEENA RAACOO

SHAYDAAN KUU HALOOSEE

HORTA WAA ABAALKAA

HADIMADA KU GAADHIYO

WAXAD HAWL LA KULANTEE

MA KA HEESTAY CEEL DHEER

MA KA HEESTAY CEEL DHEER

MA KA HEESTAY CEEL DHEER”

 

SOMALILANDPOST.NET