Cali guray iyo Faysal intay Xirsi iyo Talo Qaran ku mashquulsan yihiin malaha waxa uga faaido badnaan lahayd maaraynta mushkilada xisbigooda UCID

Ugu horayn Salaanta Islaamka akhristayaal iga gudooma(ASC), Bacdigeed waxaan qalinka u qaatay inaan u caqli celiyo nin aad moodo inuu ooda goostay xayadii iyo xishoodkiina ka tegay, xilka uu hayo iyo xanafta, xajiinta iyo af-xumada xiqdiga iyo xurmo la’aanta huwan ee uu shubayona aanay isu miisanayn.

Gudoomiyaha 3aad ee Xisbiga UCID Cali Guray ayaad moodaa in diiradii siyaasadeed kaga dhegtay mid shakhsi arag ah, oo reer nacayb salka ku haysa, sida uu u hadlayana marnaba aanad moodayn siyaasi inuun damac kaga jiro inuu xil qabto qaran, xataa kuu hayo hada ee xisbiga ah uu kaga didinayo shacbiyad badan iyo masuuliyiin la safnaaba.

Markaad siyaasi tahay inuun damac kaga jiro inuu majaraha u qabto dalka ama masuul culus ka noqda waajibka saarani waa wallaalaynta bulshada, wadaninimaduna waa taas waayo iyagaa dadku qiimaynaya qofka ama siyaasiga inuun wax u qaban kara hadaad u haysato ardaagaaga oo keliya inaad wax ku noqonaysana gudcur baad gudaysaa ee u doono iyaga mansab suldaanimo.

Ugu danbayn Cali guray hadaladii uu sadexda wasiir ee isku haybta ah ku weeraray ee uu hadalada fawaaxishka ah ku faaleeyey waxaan qabaa in Cali intaasiba isaga ku cad yihiin oo uu bulshadana kaga caan yahay.

Cali guray iyo Faysal Cali waraabe intay Xirsi iyo Talo  Qaran ku mashquulsan yihiin malaha waxa uga faaido badnaan lahayd maaraynta mushkilada xisbigooda UCID, oo maanta laba garab oo weliba kala xoogan u kala fadhiya, Keligii Saxane (Faysal) iyo adigubana (Cali guray) waxaan qabaa ragiinaas UCID wadi kari waayay inaydaan dal iyo dadna isku wadi karin, oo hadaad sidan ku sii socotaana lafihiina aan idiinku baqayno hadaanu shacabkii reer Somaliland nahay, oo waxaan filaynaa inaad dejin iyo nasin u baahan tihiin.

Xirsi Cali Xaaji Xasan waa hal-abuur hawlkar ah oo qarankan baal dahaba kaga jira Taariikhduna xusi doonto adigoo kalena aanad hiigsan karin, Maxamuud Xaashina Mahadnaq iyo Bogaadin buu mudan yahay dedaal badan baaanu ku jiraa ilaahay ha ku guuleeyee  ee uma baahna xagxagasho iyo xumaan reer nacayb ah oo lagula dul kufo.

Eebe Khayrka hayna waafajiyo

Dr. Cabdi Jamac

Hargeeysa Somaliland

00252-63-4819838