Cadnaan Cabdi Xasan: Wiil Dhalinyaro ah oo Af-qalaad Ku Difaacay Qadiyadda Somaliland

Hargeysa  (SLpost/Saxafi) – “Sannadkii hore markii loo diyaar garoobayay xuska 18-ka May ayaa waxa aan isku dayay inaan beesha caalamka hab-suugaaneed ugu sheego qiimaha ay Somaliland ugu fadhido bulshadeeda, isla markaana horumarka dhaqan dhaqaale ee ay gaadhay aan ku sharaxo luuqadda Afka Ingiriisiga, iyada oo u dhisan hab suugaaneed oo gabay ah” Sidaa waxa yidhi, Cadnaan Cabdi Xasan oo ka mid ah dhalinyarada Somaliland, isla markaana ah Xidhiidhiyaha Barnaamijyada ee dalladda ururada dhalinyarada Somaliland ee SONYO oo Saxafi uga waramayay sababta ku dhalisay inuu luuqadda Ingiriisiga gabay uu kaga waramayo dalkiisa ku qoro.

Qaar badan oo ka mid ah akhristayaashu waxa laga yaabaa inay isweydiiyaan da’da Cadnaan, isla markaana yidhaahdaan malaha da’da ayaa loo qariyee nin dhalinyaro ahi Ingiriisi kuma gabyi karo. “Da’daydu waa 26 jir, weligayna wadanka kama bixin dal shisheeyana ma tegin, balse waxaan wax ku bartay dalka Somaliland gudihiisa, sida dugsiyadaydii hoose dhexeba waxay ahaayeen Dugsiga Sh. Cali Ibraahim ee magaalada Hargeysa iyo weliba Sheekh Madar, halka dugsigii sarena uu ahaa Faarax Oomaar” ayuu yidhi Cadnaan oo ka waramaya waxbarashadiisii.

Laakiin arrinta kale ee xiisaha lihi waxa weeye, Cadnaan waxa uu ka mid yahay dhalinyaro tiro badan oo 20-ka Sannadood ee ay Somaliland jirtay nasiib u helay inay iyaga oo da’ yar qaataan laba shahaado Jaamacadeed. “Waxaan haystaa laba shahaado Jaamacadeed oo kala ah Shahaadada Jaamacadda ee Culuunta Saxaafada oo aynu ku wada jirnay (Wuxuu ula jeedaa weriyaha waraystay) oo aan ka qaatay jaamacadda Hargeysa iyo shahaadada Jaamacadda ee culuunta dhaqaalaha oo aan ka qaatay Jaamacadda Admas ee magaalada Hargeysa”.

Marka intaasi laga yimaado, Cadnaan waxyaabaha ku kelifay inuu gabay wadani ah oo Afka Ingiriisiga ah tiriyo waxa ka mid ah waxa uu rumaysan yahay in halka ugu wanaagsan ee qof ku noolaadaa ay tahay dalkiisa hooyo, waxaanu isaga oo arrintaasi ka hadlaya yidhi. “waxaan aaminsanahay in halka ugu wanaagsan ee qof ku noolaadaa ay tahay dalkiisa hooyo, tusaale ahaan Somaliland waxa jira  waxyaabo fara badan oo ay tahay inuu qof waliba qiimeeyo, tusaale ahaan  qofku marka uu wadankiisa joogo waa qof sharaf leh oo ina hebel iyo hebel loo garanayo, isla markaana ay dadku wada ixtiraamayaan, halkan waxa jooga ehelkaagii, halkan waxa jooga dhalinyaradii aad isku iskuulka ahaydeen asaxaabtaadii, waa dad aan waxyaabaha noloshaada khuseeya la wadaagi karto, wax kula qaban kara, halka dunida loo tahriibayaa ay tahay  Jawi aan cidina kaa garanayn, isla markaana aanad wax tixgelin ah ku lahayn, marka ugu horeysa ee ay labadan arrimood ku soo waajahaan waxaan rumaysan tahay inay markiiba ku horimanayso waxa la yidhaahdo Dal-tabyo” ayuu yidhi Cadnaan oo isku barbardhigayay dhalinyarada jecel inay wadan kale tagaan iyo wadankooda.

 Laakiin isaga oo ka hadlaya dhibaatooyinka dhaqan dhaqaale ee ay dhalinyaradu waajahaan waxa uu yidhi. “Inkasta oo ay duruufo badani jiraan, haddana waxa muhiim ah in la ogaado cida wax ka qabanaysaa waa dhalinyarada, tusaale ahaan dhalinyaradu waa inay ogaadaan in aanu jaarkooda ka jirin hanaan maamul oo dawli ah iyo amni toona, balse uu wadankooda ka jiro, isla markaana looga baahan yahay wax kasta ha ku qaadatee inay horumariyaan dalkooda”.

Marka laga yimaado aaminsanaanta qof ahaaneed ee Cadnaan iyo aqoontiisa waxa isweydiin mudan ma jireen waxyaabo la odhan karo way ka qayb qaateen Cadnaan inuu aqoon badan korodhsado. “Markii aan Dugsiga sare soo galay gaar ahaan fasalka labaad waxaan ku dedaali jiray inaan wax akhriyo, isla markaana waxa aan jeclaa qoraalka, taasina waxay qayb laxaad leh ka qaadatay inaan aqoon badan korodhsado, waxaana suurto gal buugaag badan oo aan berigaa soo qaatay oo aan akhrisan jiray oo aanan qiimaha ay leeyihiin garanayn, balse aan maanta garanayo” ayuu yidhi Cadnaan oo ka waramaya waxyaabaha u sahlay inuu aqoonta ka dhismo. Laakiin waxa mudan in la sheego in horumarka Cadnaan ka gaadhay xagga aqoonta ay udub dhexaad u ahaayeen waadintiisa,. “Hooyaday iyo aabahayba waxay ahaayeen kuwo aqoon leh, iyada oo hooyadayna aqoonta ay u dheerayd inay ahayd macalimad, taasina waxay igu dhiiri gelisay inaan aniguna cilmi yeesho” ayuu yidhi Cadnaan.

Ugu dambayn Cadnaan Gabaygiisa luuqadda Ingiriisiga ah ee la yidhaahdo 18 May, Good Decision Day

(18-ka May, Maalintii Go’aanka Wanaagsan la qaatay )  waxa uu ku ku bilaabay  “Saacaddu waxay gaadhay badhtamaha  May, Maalin ku dhex jirta badhtamaha bisha May” Waxaanu gabaygan oo dhamaystiran oo tuduc walbana turjumanyahay u qornaa sidan:

 The clock reaches a day

Which is in the middle of May

Big to a millions in the Horn

That built a nation out of a corn

Unrecognized by the world

Part of the stories untold

That is Somaliland, my home!

 

Saacadu waxay gaadhay maalin,

Maalintaaso ku jirta badhtamaha bisha May

Oo aad ugu wayn malayiin Geeska Afrika ku nool

Kuwaaso  ka yagleeyay qaran jeebkooda

Qarankaaso aanu wali aduunku aqoonsan

Kana mid ah goobaha aan warkooda la sheegin

Qarankaasi waa Somaliland, waana wadankayga

 

The clock reaches a day

Which is in the middle of May

When Somalilanders chose their way

Chasing enemies after a noisy fray

When their people were queued to slay

They all took the gun rather than dismay

And they fought very hard until 18 May

Reclaiming their new independence day

 

Saacadu waxay gaadhay maalin,

Maalintaaso ku jirta badhtamaha bisha May

Markii ay reer Somaliland ayoohooga ka tashadeen

Kadib markii ay cadowgii haystay dhulkooda ka eryaden

Markii dadkooda kuyuu loo galiyay si loo gawraco

Ayay dhamaan qoriga qaaten intii ay dhabanada haysan lahayen

Si adag baanay u dagaalameen ilaa laga gaadhay 18 May

Waxaanay dib u soo ceshadnee maalintii xornimadooda

 

The clock reaches a day

Which is in the middle of May

The beginning of a series progression

That was impossible without secession

The first action was a reconciliation

That all accepted without a question

Nation-building was the next session

Followed by a free market and education

Then adopting democracy and election

That gave my country a good impression

For sure blessed was the 18 May’s decision

Saacadu waxay gaadhay maalin,

Maalintaaso ku jirta badhtamaha bisha May

ee uu bilawday horumar taxan’e ah

oo aan suurto gal noqdeen haddii aan la goosan.

Ugu horeyn waxa la bilaabay dib u heshiisiin

ay dhammaanba reerihii ishayay isku raaceen bilaa shuruud,

waxa raacay dhismaha qaranimo iyo suuq xor ah

iyo qaadashashada hanaan dimuqraadi ah

oo sawir qurux badan ka bixiyay wadankayga

hubaala go;aankii 18 May yahay mid la majeerto

 

The clock reaches a day

Which is in the middle of May

When all Somalilanders will sing

Waving their flag even in Beijing

Showing their ‘cause’ to every king

Wanting a recognition this spring

Considering the impact it will bring

For the people who deserve this thing

Who remained a strong human-being

In a region blown by a devastating wind

While flying with a single wing

Saacadu waxay gaadhay maalin,

Maalintaaso ku jirta badhtamaha bisha May

Marka reer Somaliland ay dhamaan heesi doonaan

Calankoodana ka luli doonan  ilaa Bijiin (caasimada China)

Qadiyadoodana tusi doonan boqor kasta

iyagoo doonaya aqoonsi inay helaan Gugan

ogsoonna faa’idada ay keeni doonto

Dadyow nasab ah oo u qalma aqoonsigani

kuwaaso  ahayd bani’adam aan la saamayn Karin

iyagoo hadana ku nool gobol duufano ka dhacayaan

Inkastoo aanay taageero ka helin cidna

Gabaygan iyo mida kale oo uu afka Ingiriisiga ku tiriyay Cadnaanba waxay ka mid ahaayeen qoraaladii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo la tagtay shirkii London.

By Adnan Abdi Shaadiro

©2012