Caddeymo Xoojinaya In Koonfur Afrika Laaluush Siisay FIFA Oo La Helay

Pretoria, (SLpost)-  Madaxii hore ee xidhiidhka kubadda cagta ee Koofur Afrika warqad uu qorey oo si hoose loogu gudbiyay wargeys ka soo baxa dalkaasi, ayaa waxa ka muuqdo miisaanka eedaynta ah in dawladdaasi ay si hoose u bixisay 10 milyan oo dollar, taasoo ay ku adkaysanayaan inaanay laaluush ahayn.Koonfur Afrika

Iyadoo ay jiraan eedo ku saabsan in musuqmaasuq uu ku baahay hay’adda ugu sareysa ee kubadda cagta caalamka ee FIFA, ayaa warqaddan waxay caawinaysaa eedaha ay Mareykanku baadhayaan.

FIFA ayaa la sheegay in tobannaankii sano ee la soo dhaafay uu hadheeyay musuq.

Warqadda waxa la qoray saddax todobaad ka hor intaan lacagtii ugu horeysay la bixinin, taasoo qayb ka ahayd 10 milyan oo dollar oo Koonfur Afrika ay bixisay.

Dhaqaalahaasi ayaa wasiirka ciyaaraha ee Koonfur Afrika waxa uu ku sheegay inay ahayd mid ay ku caawiyeen ciyaaraha Caribeanka.

Laakiin gal-dacwadeedka Mareykanka ayaa lagu sheegay in lacagtaasi ay gashay jeebabka madaxda sare ee FIFA, taasoo lagu bedeshay in Koonfur Afrika laga taageero helidda martigelinta ciyaarihii 2010-kii.

Warqadan waxa saxeexay madaxweynihii hore ee xidhiidhka kubadda cagta ee Koonfur Afrika, Danny Jordan, waxaana loo diray xoghayaha guud ee FIFA Jerome Valcke.

Waxay warqaddu shaaca ka qaadaysaa sida Mr Jordaan uu FIFA u waydiistay in lacagta la bixiyo iyadoo khadad kala duwan la marinayo.

Arrintaas ayaa sidoo kale la sheegay in lagala tashaday wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda.

Waxay hadda u egtahay in warqaddani ay culays u yeelayso eedda ah in dawladda Koonfur Afrika iyo hay’addeeda ciyaaruhu ay qaadeen tallaabo ay iskaga fogeeyaan ku lug lahaanshaha diridda lacagtaasi.

Waxay arrintani keenaysaa su’aal ah, sababta in la bixiyo? Iyo maxay bixinta lacagtu ay muhiim ugu tahay fadeexadda musuqa ee FIFA, taasoo 14 qof loo haysto.

Dhaqaalahaasi ayaa sidoo kale dhaliyay wax is-daba marin iyo lacago si qalad ah lagu qaaday, taasoo maamulka hay’adda ugu xoogga badan ee ciyaaraha badhtanka u galisay qalalaase aan caadi ahayn.

Somalilandpost.net