Caddaalad Ku Sugan Qolka Mugdiga ah ee Garqaadista (CQMG) (Justice In A Dark Court Room [JDCR]) Iyo Maxkamadda Sare JSL Baahida Ay u Qabto Helitaan IFTIIN Ay Cadaalad-Garsoor Ku Sugi Karto

Garyaqaan Salidhige

Anigoo ah Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Salli-Dhige) ahna Muwaadin JSL oo Tabliiqi-Sharci (Voluntary Lawyer) isla markaana gudanaya Waajibaadkiisa Diiniga iyo Dastuuriga ah ee ku kala xusan Qod. 4aad iyo 34aad ee Dastuurka JSL iyo Aayadaha 104 iyo 110 ee Suuradda Aala-Cimraan, isla markaana dhibaatooyin iyo Xadgudubyo maamul-xumo oo isoo gaadhay ay i bareen Sharciga iyo inaan sameeyo keligay Baadhitaano Sharci iyo Nidaam oo xaga aasaaska Dhismeyaasha Hay’adaha Dawladda ee kala duwan, ayaa natiijooyinkii baadhitaanadaasi waxay igu khasbeen inaan ahaado Tabliiqi-Sharci kuna mashquulo hagaajinta danaha guud ee ummadda. Iyadoo haddaba ay lagama maarmaan tahay anigoo cuskanaya Qod. 32 (1) ee Dastuurka JSL in aan adeegsado Dariiqo kasta sida HADAL, MUUQAAL-SAWIRO, QORAALO iwm oo aan ku soo bandhigi karo dhibaatada Sharci iyo Nidaam ee dalka ka jirta, si Madaxda dalka iyo Bulshada JSL ay fahmaan barta sartu ay ka qudhunsan tahay ee sababaysa dhibka Maamul-Xumo (Maladministration) ee kala gaadhaya Bulshada dan yarta ah iyo Madaxdooda. Runtii ma aha wax sahlan in aad ahaatid Mutawac iyo in aad Caawisid Madaxdaada Dawladda. Waa Xaalka ay ku sugan tahay Dawlad-Sawaaban iyo Madax-Sillooni. Waajibaadka aniga isaarani waa inaan sheego oo aan u soo bandhigo dhibta dhaliilaha jira iyo Talada-Sharci ee saxda ah ee haboon ee wax lagu xallin karo. Laakiin Qaadashada Tilmaamaha iyo Talooyinka-Sharci waa arrin illaahay (SWT) uu awoodeeda iska leeyahay.

Garyaqaan Salidhige

Qaabdhismeedka Dalkan JSL wuxuu ka kooban yahay Saddex Qol oo laba Qol ay Mugdi yihiin (Two Dark Rooms) oo ku kala yaala Xarunta Maxkamadda Sare ee JSL (the Judiciary Branch) iyo Qasriga Madaxtooyada (the Executive/Government); iyo Hal Qol oo uu yaalo Mishiin Laydh oo Cilladaysan (One Electric Engine Room) oo ah Baarlamaanka (Parliament) JSL. Labadaas Qol ee mugdiga ah masuuliyiintoodu waxay yihiin sida Maamuleyaal Indhool ah (as Blind Administrators) iyo sida Garsooreyaal Indhooleyaal ah (as Blind Judges) oo labada qolaba waxay u baahan yihiin inay helaan Laydh wax u iftiimiya si ay hawshooda u gudan karaan isla markaana ay u yaraato dhibaatooyinka ka dhasha mugdigas Qolalkaas.

Warshaddan ama Mishiinkan Laydhka ah (Parliament [both Hauses]) waxa loogu tallo galay in uu soo saaro awood Laydh (electric power) oo iftiimiya gudaha labadaas Qol, isla markaana iftiinkaasi uu gaadho ama ileeyo dhammaan xuduudaha dalka JSL uu ka kooban yahay, si la isu arko oo loo kala baydhi karo. Qolka mugdiga ah ee ku yaala Qasriga Madaxtooyada ee (DDRoom) iyo Qolka uu dhexyaalo Mishiinka Cilladaysan ee Laydhku (Parliament) si gaar ah ayaa iyagoo faahfaahsan aynu qormooyinkeena dambe ku soo bandhigi doonaa haddii Illaahay uu idmo.

Qormadani waa qormo ah Dulmar Hordhac Kooban oo aan kaga hadlaayo jiritaanka ‘Caddaaladda Ku Sugan Qolka Mugdiga ah ee Garqaadista (CQMG)’ ee Maxkamadda Sare ku yaala, iyo sida aan caddaaladda loo sugi Karin haddii aan dhakhso loo IFTIIMIN Qolkaas, Reebanaanta Waxyaabaha Mugdiga Gelin kara Caddaaladda iyo Reebanaanta in Qareenada, Garyaqaanka Guud, Xeerilaaliyeyaasha, Booliska iyo Dhinacyada Dacwadduba ay Been u sheegaan Maxkamadda, ama ay Qariyaan Xaqiiqooyinka Dhacdooyin iyo Dhokumentiyada, iyo Reebanaanta in la qaado Tallaabo kasta oo marin habaabin karta Maamulidda Caddaaladda Garsoorka Dalka.

 CADDAYNTA JIRITAANKA QOLKA MUGDIGA AH GARQAADISTA (CQMG)

Halkan, waxaan marag ahaan aan u qaadanayaa Tacbiirta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL uu ka bixiyey xaaladda ba’an ee Mugdiga ah ee ay ku sugan yihiin Maxkamadaha dalka JSL iyo sida ay u adag tahay Garqaadis Maxkamadeed lagu gaadho Caddaalad-Garsoor haddaan dhakhso loogu gurman sidii Maxkamadaha dalku ay u heli lahaayeen IFTIIN ay ku sugi karaan Maamulidda Caddaaladda Garsoor ee Dalka (Judicial Administration of Justice). Waana sidan Haddalkii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee marag madoonka u ah xaqiiqda dhabnimo ee Qormadayda iyo jiritaan Qolkaas Mugidga ah ee (CQMG):-

Tixraac: Wargeyska JAMHUURIYA: Vol.19 Cadadkiisii 4894 Arbaca 15 August 2012 Cinwaankiisii u Dhignaa “Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Ka Waramay Dareenkiisa Ku Waajahan Kulan Koox Wasiiro ah la Yeesheen Guddida Caddaaladda”.  Jawaabo ka mid ah Jawaabihii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL mudane Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali uu ka bixiyey Su’aalihii Wargeyska Jamhuuriya weydiiyey ayaa waxay Su’aasha weriyaha iyo Jawaabta Guddoomiyuhuba ay u dhaceen oo ay u dhignaayeen sidan:-

S/: Adiga ka waran guddoomiye ahaan wax ka qabashada caddaalad-darrada mudadii aad xilka haysay maxaa kaaga qabsoomay?

J/: Walaal waxna waa fulaan waxna ma fulaan, arrimo nabadgelyo awgeed aan fulin baa jira, waxa laysku dacweeyo waxa ugu badan arrimo dhulka, markaa iyadoo nabadgelyada la ilaalinayo waqti bay qaadataa, dadkiina waxay leeyihiin wixii la ii xukumay maxaad iigu fulinweyday? Markaa Caddaaladdu waxay ku sugnaanaysaa iyadoo runta la sheego agabkeedana loo dhamaystiro, Xaakimkuna Waa Nin Fadhiya Guri Bilaa Laydh oo Lagu Dhextuuray Irbad, Markaa Wuxuu u Baahan Yahay IFTIIN, iftiinkuna waa runta, marka uu ka markhaatiga ah runta sheego ee ka xaakimku runta sheego ee ka baadhayaa runta sheego oo baadhista laga baarandego oo agabkeeda loo dhameeyo, Dunida waa ogtahay haddii meel wax ka dhacaan waa laxayndaabaa, oo ilaa dhiiga ayaa la baadhaa, oo wax lagu kala saaraa oo DNA lagu kala ogaadaa. Waxaas oo dhami waxay u baahan tahay in Caddaaladda loo dhamaystiro, inta wax ka dhiman yihiin ogaanshihii runta lagu gaadhayey ayaa ay wax ka dhiman yihiin waxaas oo adeeg ah Garsoorku wuxuu uga fadhiyaa Xukuumadda.

Bal Ka Warama Haddii Qareenada, Garyaqaanka Guud, Xeer-Ilaalinta Guud, Madaxda Dawladda, Booliska Baadheyasha Iyo Dhinacyada Dacwadduba Ay Garsoorka Been U Sheegaan Ama Ay Qariyaan Runta Iyo Xaqiiqooyinka, Markaa Maxkamaddu Caddaaladda Ma Sugi Kartaa?!!

Sidoo kalena bal ka waran haddii Xeerarka Baarlamaanka JSL uu soo saarayo ay yihiin kuwo aan waxba IFTIIMINAYN, laakiin ah kuwo abuuraya MUGDI Maamul isla markaana ah kuwo abuuraya Dhibaatooyin ammaan darro iyo Maamul-Xumo?!!!

Qormooyinkeena dambe ee mawduucan waxaynu si gaar ah ugu soo bandhigi doonaa

– Mawqifka Dhaqankeena iyo Diinteena Suubani ay ka taagan tahay Mawduucan;

– Sharaxa Qodobada Sharci iyo sida Sharcigu u mamnuucay in Garsoorka Been Loo Sheego, in Caddaaladda Garsoor la marin habaabiyo iyo in Dhokumentiyada iyo Xaqiiqooyinka dhacdooyinka la Qariyo, gaar ahaan Faahfaahinta Qodobada kala ah Qod. 59aad ee Xeerka Habka Madaniga (XHM) iyo Qod. 299aad, 300aad, iyo 301aad ee Xeerka Ciqaabta Guud iwm.

 

WA BILLAAHI TAWFIIQ

 Garyaqaan Maxamaxmed Xasan Siciid (Salli-Dhige)