Caddaalad-darrada weriyeyaal qaadashada idaacadaha VOA SOMALI iyo BBC SOMALI (Eeg liiska) – W/Q: Cali Coomay

Cali Coomay
Cali Coomay
Cali Coomay

Labadan idaacadood ee ka tirsan laamaha dalalka maraykanka iyo ingiriiska idaacadooda, waxa la kala aasaasay BBC somali 1957-kii iyo VOA somali 2007-dii. Ujeedada labadan lamood waa inay wax u sheegaan dadyowga af-soomaaliga ku hadla ee degan geeska afrika iyo waliba kuwa aduunka u haajiray. Dadyowga degan geeska afrika ee af-soomaaliga ku hadlaa waxay rabaan in laga wertibiyo noloshooda iyo waayahooda. Waxa kale oo ay rabaan weriyeyaal ku hadla af-soomaaliga ay fahmayaan, oo ku hadla luuqad la wada fahmi karo. Maadaamo oo labada tifaftire ay yihiin reer muqdisho waxay shaqaalihii ka qaateen muqdisho. In kastoo yusuf-garaad ka tegay shaqada hadana kuwii uu keenay ayaa weli shaqeeya.

Liiska weriyeyaasha.

Weriyeyaasha VOA SOMALI ee Washinton jooga

Magaca                                                                       Deegaankiisa

  1. Ibraahin Xasan Daandurey…………….. Banaadir
  2. Haaruun Macruuf ………………………… Banaadir
  3. Maxamed sandheere……………………. Banaadir
  4. Falastiin maxamed……………………….. Banaadir
  5. Idil maxamed cismaan………………….. Banaadir
  6. Caasha cuud………………………………….Banaadir
  7. Daa’uud Aways………………………………Banaadir
  8. C/casiis sadaam……………………………. Banaadir
  9. Maxamuud mascade………………………Banaadir
  10. C/laahi nuur maxamed Kolombo……..Ceelbuur
  11. Maxamed Xasan Colaad……………………Ceelbuur
  12. Sahra ciidle nuur……………………………Hargaysa, waa keligeed wax dad kale ah.

Weriyeyaasha BBC SOMALI ee london jooga

   Magaca                                                                      Deegaanka

  1. Max’ed maxamuud-cade…………………           Galguduud
  2. C/rahmaan koronto…………………………          Hiiraan
  3. Max’ed ibraahim macalimow………….           Banaadir
  4. Axmed cabdi nuur…………………………..           Ceelbuur
  5. Max’ed maxmuud-dhoore……………….           Galguduud
  6. Yusuf Xasan………………………………….             Galguduud
  7. Farxaan max’ed jimcaale………………..           Hiiraan
  8. Kaati Ciise…………………………………….            Galguduud
  9. C/nuur Sh. Isaxaaq………………………..             Puntland
  10. C/laahi Xaaji………………………………….           Puntland
  11. Yoonis Cali Nuur…………………………..             Hargaysa
  12. C/risaaq X. Max’ed-siraad……………               Hargaysa

 

Af-soomaaliga ay isticmaalaan

Weriyeyaasha ka hawlgala istuudyaha labadan idaacadood waxay ku hadlaan Af-soomaali lagaga hadlmuqdisho oo dadyowgii kale ee geeska afrika deganaa ee soomalida ah aanay fahmayn. Waxay warbaahintii soomaalida ku soo kordhiyeen af-soomaali qalloocan oo soomaalidii ay jahawareer ka qaadeen. Waxay dadkii ku khasbayaan af-soomaali muqdisho lagaga hadlo.

 

Af-soomaaliga qalloocan ee VOA iyo BBC isticmaalaan                   Afka toosan

= Warkan waxa soo diray weriyeheena………………………………..      weriyahayaga.

= Saddex qofood……………………………………………………………….        saddex qof

= Looga diley……………………………………………………………………         lagaga diley

=Lagu duugay………………………………………………………………….          lagu aasay

= Qadka tilifoonka…………………………………………………………..          saaka

= Qiyaano……………………………………………………………………….          khiyaano

= Aqris……………………………………………………………………………          akhris

=Qaasatan………………………………………………………………………          khaasatan

= la weysan yahay…………………………………………………………..           la waayey

= ulajeedo……………………………………………………………………..           ujeedo

= maantay……………………………………………………………………             maanta

= xiriir………………………………………………………………………………… xidhiidh

 

Fiiro gaar ah:

Markii af-soomaaliga la qorayey, ayaa la isku qabtay labada eray ee”R” iyo “dh”. Bal ka la isticmaalayo. Guddigii af-soomaaliga ayaa laba kooxood oo isku haystay labadan eray soo kala dhexgalay. Ka dib waxa la yidhi “ waar kooxdan wadata “R” bal isticmaala eraygan oo waxaad tidhaahdaan “gabar” ka dib waxa la yidhi jamac ka dhiga, oo waxay noqotay “gabrro”. Ka dib waxa lagu yidhi gabrro waa cay dhinaca waqooyiga soomaaliya (somaliland). Kuwii watay “dh” ayaa yidhi”gabadh” ka dib waxa la yidhi jamac ka dhiga, waxay noqotay” gabdho”. Markaa waxa halkaasi lagaga adkaaday kuwii watay erayga “R” oo waxa la isla qaatay in erayga “dh” dhammaan warbaahintu isticmaasho. Markaa weriyeyaasha reer muqdisho waa inay ku hadlaan erayga “DH”  oo erayaga “R” ay iska iloobaan.

 

 

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in journalism

Haragaysa, Somaliland

calicoomay@hotmail.com