Cadceed Dul-hoganaysa Ballidhiig Iyo Horumarka Ay samaynayaan Qurbajoogga Ballidhiig, Baraarugga Deegaanka Ballidhiig & Kaalintii Xukuumada Maqan

Magaalada Balidhiig ayaa waxa ay tahay magaalo aad u facweyn hasayeshee ay afeeyeen dagaalo faraha lagaga gubtay walina aykisii muuqdaan dhaawaca kasoo gaadhay dagaaladii ka dhacay magaaladaa hadii ay tahay dadka iyo dhismaha iyo miino ku aasan magaalada laguna odhanaayo iska ilaali miinada haqaadin wax u eeg waxa qarxa ,waxa intaa raaca dhul loobixiyey lama galaynda miinada oo ahaa fadhiisanadii ciidamada faqashta oo ka dhigtay inay miinada iskaga difacaan ciidamadii SNM ee dagaalka ku haysay.
Dhanka kale waxa ka muuqda magaalada Balidhiig dhaawac u gesteen magaalada Balidhiig hadii ay tahay dadka oo aad arkayso naafada iyo ka lugtala iyo ka gacantala dhismaha ayaa iyana la qaba inkastoo ay hada ka soo kabteen kadib markii ay u kaceen qurba jooga magalada Balidhiig inay dib u kiciyaan dhamaanba guryaha iyo dhismaha dhaawacu soogaadhay hadii ay tahay caafimaadka iyo kuwa bulshadaba.
baraarugeen taas oo ad ka arkayso magaalada subixii iyo duhurkii iyo casarkii oo arday aad u qurux badan oo yaryar iyo waa weynba isugu jira oo ku labisan dirayska wax barashada dhabarkana ku sita shandada lagu qaato buugaagta qalimana ku haysta gamcaha niyadoodana ay ka muuqato farxad iyo rayn rayn iyo mooral ay u hayan wax barashada.Bubixii waxa aad la kowsanaysaa sawaxanka ardayda ku socota iskuulka ee aadka u quruxda badan iyo jabaqda waalidka ee hadalada wanada iyo dhiiri galinta ah una shegayaan inay caruurtoodu noqdan kuwa ugu fiican wax barashada iyo adaabta taas oo ah lafdhabarta ardayga.
Halka aad arkaysa Gelinka danbe ardayda ku socda Dugsiga Sare Ina Sanweyne oo laga hirgaliyey qabtiisii hore meel ka baxsan magaalada Balidhiig una jirta ilaa iyo 2KL mitir Banaana .Sacarkii ayaa waxa aad arkaysaa arday klu labisan dharka diinta sioda qamiisyada cadcad iyo dharka u gaarkaa kuna siijeeda Malcamadaha magaalada Balidhiig iyo sawaxanka codka ardayda ee akhriska quraanka kariimkaa kaas oo soojiidanayaa quluubtaada kuna farax galinaya.waxaana dhawaan soo gaadhay Buug lagu qiyaasay 1700 oo buug iyo 10 Computer oo u dhan yahay qalabkoodii taasna waxa ay wax ka tari doontaa baahida IT ardayda reer Balidhiig taas oo ay soo direen qurba jooga reer balidhiig ee cariga nigiriiska wax badana ka tari doonta baahida wax barashada.
Ardayda reer Balidhiig waxa ay ka cabanayaan inayna haysan wax Laybareeriya iyo Laybaratari toona kuwaas oo ay baahi u qabaan xiligan taagan waakan mid ka mida ardayda oo cabiraya dareenkiisa Walalo ma haysa Laybareeri aanu wa ku akhrisano mana haysano Laabkii Iskuulka Sare labadas ayaanu xukuumada ka codsanaynaa inay wax nagala qabtaan oo ay wasarada wax barashadu noo dhisto hadii aanu nahay ardayda reer Somaliland gaar ahaana magalada Balidhiig iyo nawaaxigeeda
Dhanka kale waxa ka socda magalada Balidhiig soona gaba gaboobay Mahadka Culuumta Islaamka oo ah Mahad carabiya lana doonayo inay wax ka baratan ardayda magalada Balidhiig kaas oo ah miday waalidiinta iyo ardayduba soodhaweeyeen aadna u qurux badan una dhan yahay dhamaanba agabkii wax barasho lana furaayo ayaandhow.Wasa taas barbar socda dub u bahaynta iyo dayac tirka dhamaanba goobihii cafimaadka ee magaalada Balidhiig ee ay lahayd dowladu kuwaas oo ay dhamanba dayac tirtay qurba jooga reer Balidhiig.
Waaxda xaafimaadka ayaa iyana waxa ku socda dib u dhis ka bilaamaya dhawaan taas oo ay baal galinayaan qurba jooga magalada balidhiig oo indhawaydba u taagnaa sidii ay dadka reer baladhiig ee qurba joogaahi ay dalkooda hooyo wax u tari lahayeen iyaga oo kaashanayaa shacabka Balidhiig.Dhinaca caafimaadka ayaa iyayna aad u wanagsan oo waxa hada sifiican u shaqeeya MHC Balidhiig kaas oo ah waxa looyaqaan Out Piant ama dadka inta ay yimadaan lagu daweeyo caruurta iyo haweenka .
Magalada Balidhiig ayaa waxa ay tahay magaalo facweyn hadana usoo jeeda wadada horumarka iyo waxbarashada doonaysana inay kulmiso dhamaanba shacabka ku dhaqan nawaaxiga Baliweynta waxaana laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ganacsi iyo dhisida guryaha cusub.
Ugu danbayntii waxa aan ku wareegay magalada manaan arag wax haayada oo ay ledahay xukuumadu oo ku sugan magaalo ku taala meel qaybisa laba xad oo kala ah Somaliland iyo Itoobiya xitaa Boolis ma joogin waxaana la ii sheegay inayna magaaladuba lahayn Gaadhi Boolis iskataa wax kaloo Maayarka magalada aya isna ah mid aad u dadaalaya hadana ka soolaabtay magalada Hargeisa ee caasimada Somaliland Cali Farax Dheere
Ahmed Nuur Faarax
Balidhiig +Burco City