Cadaalad Darada Gumuurtay Dulhoganaysa Dheeli-tir la’aanta Maamul Qaybsiga Gobalka Saaxil Iyo Guuxa Shacabka Gobalka Saaxil

Bariga Saaxil

Waxay Qormadan Ku Qaadaa Dhiganaa Badhitaan qoto Dheer aanu ku Samaynay Gobalka Saaxil Cadaalad Darada Gumuurtay Dulhoganaysa Dheeli Tirla,aanta Maamul Qaybsiga Gobalka Saaxil Iyo Dhooh Naanta Xukuumada La soo doortay Iyo Guuxa Shacabka G/ Saaxil.
Gobolka Saaxil ayaa ah hawlbawlaha ama isha dhaqaale ee dalka Somaliland, sidoo kale waa gobol kulmiya beelo dhowra hadaba habka siyaaasiga ah ee maamulkiisu ku dhisan yahay ama soo magacowga ayaa muddo badan waxaa ka taagnaa dood badan, taasoo keentay qanac la’aan ka soo burqamaysa afka iyo qalbiga shacbiga gobolkaasi qaar ka midda. Inkastoo ayna ka dhicin Gobolka doorashooyin xor iyo xalaala, ayaa hadana masuuliyiinta gobolka ku yimaadeen habka iyo hanaan siyaasadeed oo ku dhisan aan cadaalad ku qotaman, isla markaana aan metelaun bulshada gobolka ku dhaqan, iyadoo ay ka jirto, aniguna waxaan ahay 1aad adigu waad igu xigtaa.
marka loo fiirsado qaabkan uu ku dhisan yahay maamulka gobolku oo keenaya qanac la’aan badan, wuxuuna u egyahay mid sadex nooc ku salaysan.
1. In maamulka lagu dhiso qaab siyasadeed ku dhisan aniga ayaa isla leh iyo beello dusha lagu sito, markasta dabada laga riixayo kuwa gaar ah, waxaana markhaati kuu noqonaysa, dhacdooyinkii keenay gacan ka hadalka ee soo waajahay Magaalada Berbera waqtiyadii ina dhaafay, oo xalinteedii ay reebtay dareenka badan ee aanay dadka dhulkaas laga weli ku qancin hab maamuleedkii wax lagu jaangooyo , iyagoo ka dhursugaaya inay gobolkaasi laga helo doorashooyin si xora , isla-markaana xalaala dadka degaanku ay ku doortaan cidda xaqa u leh inay umaddaasi codkooda ku metalaan, taasi oo soo afjari karta .

2. In aanay doorashadii Barlamaanka Iyo degaanka ee dhacday ahayn mid si xalaal ah u dhacday, sidoo kale ay xukuumadihii Somaliland soo maray u xaqlinayeen ciddii ay codka ka heleen doorashooyinkii ina soo maray, isla markaana ay ahayd qaab ciqaabeed lagu cabudhinayo dadkii ka fooday xukuumadii hore iyo ururkoodii UDUB. Midaas oo ay muujisanayso in xitaa masuuliyiinta gobolka hoose ku imanjireen wareegto madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen (Ahmed Y Yaasiin) oo ahaa magacaabis xukuumadeed lagana illaalin jirey dadka dega Bariga gobolka Saaxil inta aan xukuumadii hore la socon.
Midaas oo keentay in wadaagii maamul iyo isku duubnidii gobolka in dhaawac soo gaadho.3. In ay jirto siyaasad soo jireena oo lagu maamulo G/Saaxil oo aanay jirin beelo kale oo degaa ahaan dega gobolka, marka laga reebo kuwo loo qorsheeyey oo iyaga laftoodu gurada iskula-jira, , sidaas awgeed ay xukuumadihii hore oo dhami ay si indha la,aana u qiimayeen siyaasada gobolka awgeed la tixgeliyo in degaanka qudha ee dadka gobolku ka soo jeedo ay ku salaysan yihiin laba beeleed keliya, waayo haddii aanay taasi jirin waxaa laga dheehan lahaa qaab magacaabsita.
Anniga oo taas daba jooga , waxaan doonayaa in aan idiin soo bandhigo bal maamulka G/Saaxil, si dareenka iyo cadhada kacsan ee shacbiga la kala fogaynayo loogu feejignaado.
Waxaan ka cudurdaaranayaa, in aanay marnaba arrinkan ku shaqo lahayn shacbiga reer Berbera ee Beelaha la magacaabay, oo inta badan aan marnabana  raali ka ahayn fogaynta dadka kale ee degaan ahaan ka soo jeeda, sidaas awgeed qorshahani yahay mid maamuladii hore iyo siyaasiyiin dabada ka hagaysay. .Illa eega masuuliyiinta gobolka.
1. Badhasaabka Gobolka Saaxil. Maxamud Cali Hayste(Ramaax), Qabiil Ciise Muuse.
2. Badhasaab-ku-xigeenka G/Saaxil Khadar Cali Cimi /HY, Muuse Cabdale
3. Maayarka Gobolka Saaxil. Cabdalle Maxamed Carab, Qabiil Ciise Muuse
4. Maayar-ku-xigeenka Berbera Cabdi Jaamac Faduul/ HY/ Muuse Cabdalle.
5. Maareeyaha Dekeda Berbera Axmed Yusuf Dirir, Qabiil Ciise Muuse
6. Maareeye ku xigeenka Dekeda Berbera, Cumar Abokor, qabiil habarjeclo.
7. Xoghayaha Dawlada Hoose Cali Maxamed Cilmi, Qabiil Ciise Muuse
8. Madaxa kastamka Berbera Cali Bulbul, Qabiil Sacad Muuse
9. Xisaabiyaha Wakaalada Waxbarshada, Yusuf Axmed, Qabiil Ciise Muuse. “ Guddoomiyihii hore waxbarashada Walaalkii”.
10. Guddoomiyaha waxbarashada Gobolka Maxamud X.cali x.Xasan, Qabiil Ciise Muuse. “ Xisaabiyaha Dekeda Berbera Walaalkii”.
11. Madaxa cashuuraha Bariga G/Saaxil, maxamed Gamadiid qabiil Ciise Muuse ”.
12. Taliyaha Turba taariyada Maxamed Dacar Ibraahim. Qabiil Ciise Muuse 13.Isudawaha Caafimaadka G/Saaxil, cabdikarim Gaas/Ciise Muuse
13. Guddoomiyaha Gudida Caafimaadka Saaxil Mustafe Cali Cumar, Xubanaha kale baddi, qabiil Ciise Muuse.
14. maamulaha Cisbataalka dhimirka berbera, Cali Aadan Waceys /Ciise Muuse
15. Maamulaha Cusbitaalka Berbera Caasha Aadan Yaanyo/ Ciise Muuse.16. Agaasimaha Cusbitaalka Berbera Bashiir Diiriye Jaamac /Ciise Muuse
16. Wakaalada Biyaha ee Berbera Cabdirahmaan Cartan Geedi, HY Muuse Cabdale .
17.Gud Maxkamadda G/Saaxil, Cismaan Ibrahim Dahir(fanax)/Qabiil/ciise Muuse.
18. Mareeyaha wershada leydhka Berbera , cabdishakuur Cidin/ Ciise Muuse
29. Madaxa bangiga Berbera Ciise Muuse
20. isudawaha Xanaanada xoolaha G/Saaxil Ciise Muuse
21. Isudawaha Kaluumaysiga iyo kheyraadka berbera………
22.Gudoomiyaha jaamacada Berbera Mr C/raxmaan Axmed ismaaciil/Ciise Muuse.
23. Xeer ilaaliyaha G/Saaxil Jamaal Jaamac Xaashi /Ciise Muuse.
24. Agaasimaha Waaxda Maaliyada D/hoose Cawil Cumar Cali /Ciise Muuse
25. Xisaabiyaha D/hoose Ee eg Berbera Cabdihaalaq Cabdlaahi Maxamed/ Ciise Muuse.
27. Mustafe Baashe C/laahi Agaasimaha Xafiiska Duqa/Ciise Muuse.
26. Isuduwaha Wasaarada Qorshaynta g/saaxil Cabdle Ismaacil Yaasin [ Ballo] Ciise Muuse.
27. Isuduwaha Ciyaaraha G/saaxil Shaafici Jaamac Aadan/ Ciise Muuse.
29. Isuduwaha Wasaarada Diinta G/saaxil Sheekh Saleebaan Siciid/ Ciise Muuse.
30.Isuduwaha Wasaarada Qorshaynta g/saaxil Cabdle Ismaacil/ Ciise Muuse.
31.Isuduwaha Kaluumaysiga G/Saaxil. berbera / Ciise Muuse
32.Gudoomiayaha Baanka Dhexe e Gobalka Saaxil Ciise Muuse
33.Gudoomiyaha Maxkamada Rafcaanka Gobalka Saaxil Ciise Muuse
Iyo qaar kaloo badan.Waxaa sidoo kale ay isku reer haystaan, aggaasimayaal dhawra, Maxkamada rafcaanka,Gobolka iyo Degmada Berbera, guddoomiyaha Bankiga , madax kale iyo masuuliyiin badan oo aan la soo koobi Karin.
In badan oo ka mid ah shaqaalaha caadiga ah ee ka shaqeeya wakaaladaha ay yihiin isku reer, dadweynaha u shaqo raadsadaana aanay marnaba helin fursad ay ula sinaadaan shaqaalahaasi.
Maxaa looga hadli waayey?
Arrinka habsimi u qaybsiga beelaha G/Saaxil ayaa ah arrin aad looga warwareego,dowlada cusub oo laga rajeynaayey inay dumiso dulmiga ka jira Gobolka ayaa iyaduna khadkii hore raacday,sidoo kale maamulka g/saaxil ayaan wax horumara ku darin degmooyinka gobolka , sida ay ku cadeeyeen warbixintoodii sanadkana waxaad is odhanaysaa malaa degaankani kama tirsana g/saaxil .
Hadaba sababaha looga warwareego dulmigan balaadhan ee isbarkan ka hadalkiisa  waxaa hormuud u ah, in qofkii ka hadla, uu ka baqayo in loo sawirto qof soo kicinaya dogobyo aasnaa iyo qabyaalad laga guuray.
Waxaa arrinkaas cabsidiisu keentay in isha laga qarsado iyada oo la arkayo cadaalad darada ka taagan G/Saaxil.
Mar aan wax ka waydiiyey masuuliyiin gollaha degaanka ah, kuwaas oo ka soo baxay degmada iyo gobolka guud ahaan, helayna codka guud ee gobolka 40%, waxay jeclaysteen in aanay furista doodan iyagu hormuud ka noqon, sidoo kale waxaan xidhiidh la sameeynay masuuliyiin gollaha Wakiilada ah oo laga soo doortay Gobolka Saaxil,ahna kuwo ku guulaystay.
Ila eeg Xubnaha Golaha Baarlamaanka Gobalka Saaxil Kana kooban 10 Xildhibaan guud ahaan
07 xildhibaan , Ciise Muuse,
02 Ildhibaan Muuse cabdale
0 1.Sacad Muuse
Iyo kuwo kale ee sugayaasha ,isla markaana codkii ay ku soo bixi lahaayeen helin oo lagu reebay cadaadiska ka jira Gobolkaasi , laakiin haddii ay banaanado xubin xildhibaanimo oo gobolka Saaxil ah lagu buuxin doono, Dhamaantood waxay ka gaws qabsadeen furista doodan, waxayse tibaaxeen dhawaaca ay u gaysatay gobolka dheelitir la’aanta maamul ee ka jira G/Saaxil.
Maxaa sabab u ah Taageeradii UDUB Ee Saaxil ka lahayd?
G/Saaxil waxa uu ahaa gobolka aadka looga taageero UDUB, waxaa dad badani saldhig uga dhigaan in taageerada Udub ee Saaxil ay tahay arrin salka ku haysa Siyaasad muddo dheer soo jirtay iyo weliba asaaskii xisbiga Udub ee Marxuum Cigaal aasaasay, qaar kalena waxay lahayeen Madaxweyne ku xigeenka ayay daaranayd .
Lakiin waxaa leeyahay Labadaa midna maaha ay shacbiga reer Berbera ama guud ahaan Saaxil ku tiraabayaan, waxayse xaqiiqadu tahay arrinkani waa ka sal balaadhan yahay sidda la moodayo, arrin salka ku haya cadaaladdarada iyo dheelitir la’aanta saami qaybsiga gobolka Saaxil oo la doonayo in markasta xukuumad kasta oo timaada ay ku raaligelinayso beel gaar ah, si cod looga helo, beeshaasi danta guud ma eegine waxay illaashnaysaa danaheeda gaarka ah.
Sidee loo xalinayaa dheeliti la,aantaas?
Arrinkan dheelitir la,aantu wuxuu ka turjumayaa sida Somaliland maamulkeedu dhulka u wada gaadhin haykal dawlad ahaan, waxaad mooda in Saaxilna reer haysto, welina xukuumaddii cusub ee isbedela lagu sugaayeyna ay raacday dariiqii loo jeexay ee hore oo aan G/Saaxil ku jirin xayndaabka maamulka wadanka ,halka dalka inta kalena Somaliland maamusho, wuxuuna arrinkani dabada ku hayaa masuuliyadarada xukuumada cusub ee Somaliland ee ka qarsatay indhaha sidii G/Saaxil wax looga qaban lahaa.
Waxaa lagu xalili karaa in wacyiga dadweynaha Somaliland ku baraarugo arrinta cadaalada iyo saami qaybsiga Saaxil, in xukuumada Somaliland ku dhiirato marka ay xilal magacaabayso in ay sinto xitaa dhamaan mawaadiniinta reer saaxil ee gudan kara xilkooda, iyaga oo aan loo eegayn cidda ay ka soo jeedaan iyo qabiilkooda, in doorashooyinka soo socda degaanka iyo barlamaanka ay u qabsoomaan si xaqa isla-markaana cadaalad ku dhan, dhamaan shacabka gobolka ay si wanaagsan ugu qaybgalaan.
Bilaa Caleykum mala odhankaraa maamulka gobalka saaxil waa maamul ku dhisan habdhaqan Dal qaran oo wadaaga dowlad dhexe iyo mid heer gobal ah dastuur qaran iyo doorasho xoraha oo xalaala ayna kajirto ilbaxnimo iyo sinaan iyo cadaalad iyo dumuqraadiyad oo xalaala,Ma u eg yahay maamul qabiil oo kaliya loona qaadankaraa mid ka fog cadaalada iyo habdhaqanka xadaaradaha ka jira goobaha xeebahaa ee aduunyada ugu xadaarada dheer sida magalada Berbera ,Lasaco qaybta danbe ee ka qiimaha badan misa belood ayaa ku midoobay gobalka Saaxil waase kala ayo.
waxaan ku raad-joogtaa cadaalada iyo sinaanta haykalka maamul wadaaga,Wad ka qayb qaadankartaa doodan si,ayna ku jirin caadifad kuna dhiibo aragtaada caafimaadka qabta kuna soo hagaaji ciwaankan hoos ku qoran
waxaana iga reeban inaan kaaga soo jawaabo aflagado iyo cay iyo wax la mida….
allaa mahad leh
by sidiiq Jamac Saleban ,
Harg, S/land