Cabdullaahi Borleh Oo La Aaminsanyahay Inuu Yahay Ruuxii Isku Qarxiyay Dayuurada Oo Noqday Macalin Caan Ah

Muqdisho(SLpost)-Cabdullaahi Borleh waxaa uu ahaa macallin aad looga yaqaan woqooyiga Soomaaliya. Wakaaladda wararka Ap waxay sheegtay in lagu yiqiin inuu yahay nin diineed laakiin uusan ahayn xagjir.

Baarayaasha qaraxii dayuuradda waxay sheegayaan in bomb-kii sababay qaraxa dayuuradda uu ku jiray boorso computer-ka dhabta la saarto oo Borleh uu dayuuradda la fuulay, ayna u badan tahay inuu gacan ka helay dad ka shaqeeya garoonka dayuuradaha si aan loo arkin.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka ammaanka ee garoonka dayuuradaha oo lagu arkay camero-yinka TV ee garoonka ku xiran, ayaa waxaa uu ka mid yahay ugu yaraan 20 qof oo loo qabtay shilkaasi dhacay.

Video-gaas waxaa ku jira sarkaalka iyo nin kale oo la kulmaya nin 3aad, oo la aaminsan yahay inuu yahay Borleh, oo isagu shay ka guddoomaya raggaas. Kaddib markii uu qaraxu ka dhacay dayuuradda, meyd ayaa laga helay meel u dhow caasimadda Muqdisho, kaas oo la rumaysan yahay inuu dayuuradda ka soo dhacay.

Warbaahinta Soomaalida qaarkeed waxay sheegeen in qoyska Borleh ay meydkiisa garteen, waxayna sheegeen inuu u socday waddanka India si loogu soo daaweeyo.

Natiijooyinka baaritaanka weli lama soo saarin, ilaa iyo haddana saraakiisu daboolka kama qaadin wax xiriir ah oo ka dhexeeya Borleh iyo dagaallamayaasha al-Shabaab oo iyagu sheegay inay ka dambeeyeen weerarkaas.

Hay’adaha dowladdu wixii markaasi ka dambeeyay waxay kordhiyeen tallaabooyin lagu xoojinayo ammaanka gudaha iyo agagaaraha garoommada dayuuradaha.