Cabdiweli Gaas Muxuu Ka Yidhi In Imaraadku Saldhig Millatary Ka Samaysanayo Boosaaso

(SL.Post) Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa  beeniyay in Imaaraadka Carrabta uu saldhig millatary ka dhisanaayo Magaaladda Bosaaso.

kkkkkkkkkkkk

“Dowladda Imaaraadka waxa ay naga taageertaa dhinaca tababarka ciidanka badda, wax qarsoona ma ahan. Laakiin saldhig millatary oo Imaaraadka uu leeyahay ama ay nagala hadleen ama laga dhisi doono Boosaaso midna ma jiraan.” ayuu yidhi Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.

Badhtamihii bishii la soo dhaafay ee February Baarlamaanka Somaliland ayaa ansixiyay heshiis ay Xukuumadda Somaliland iyo Imaaraadku ku galeen in saldhig millatari uu Imaaraadku ka samaysto magaalada Berbera, waxaanu heshiiskaas soconaya muddo 25 sano ah.

Somalilandpost.net