Cabdiraxman Cirro iyo Xisbigiisa Waxa ka Muuqda Bisayl Siyaasadeed

Marka hore salaan diiran iga gudooma dhamaan dadweynaha reer somaliland, marlabaadka waxan salaan udirayaa dhamaan warbaahinta Somaliland

Aniga oo ah muwaadin reer somaliland ah, in badanna u fiirsanayey qaab ay xisbiyada iyo hogaamiyeyaashoodu u wajahaan hawlaha siyaasadeed ee horyaalla waxan fahmey in hadba sida ay hogaamiyeyashu u qaabeeyaani ay ku hagto waddada horumarka siyaasadeed ee xisbiga, haddii ay waddadaasi khaldanto waxay ku hogaamisaa hogaammada iyo xisbiyadooda inay maraan waddo khaldan oo ka fogeysa guusha, una hogaamisa guul darrada, taasoo marka danbe jar siyaasadeed ka ridda rajada xisbiyadooda. dhanka kale haddii waddadaasi saxato waxay tubta saaraan dariiq saxan, taas oo marka danbe ku ridda jidka toosan ee loo maro guulo siyaasadeed oo dhaxal gal ah,

Haddaba, marka fikraddaas lagu eego Waddani, waxa marag ma doon ah inay yihiin guddoomiye iyo xisbi haba cusbaadeene leh bisayl siyaasadeed oo ay ku  kala gartaan waddooyinkaas is dhex maraya lakin kala duwan, waxana ka muuqata go’aamadooda talo wadaag, wada shaqeyn, aqoon iyo waayo aragnimo

Waxan ku waaninayaa dhamaan xisbiyada kale inay casharo muhiima ka bartaan habdhaqanka toosan ee waddaniyaddu ka muuqato ee ay u dhaqmaan xisbiga waddani iyo Guddoomiyohodu

Wabillaahi Tawfiiq

Saalah Cilmi

Hargeisa