Cabdirashiid Xasan Mataan oo Xukuumadda ku eedeeyey inay Xaalad-abuur ka waddo gobolka Awdal

murashaxBoorama (SLpost)- Murashaxa madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay hab-dhaqanno maamul oo uu sheegay inay nabadgelyo-darro kaga abuurayso gobolka Awdal, isagoo si gaar ah u tilmaamay culays dheeraad ah oo ciidamada ammaanku saareen gobolkaas.

Cabdirashiid Xasan Mataan waxa uu sheegay in badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan ka been-abuuray hub dhowaan uu guddoomiyuhu shaaciyey in ciidamada ammaanku haw-gal ku soo soo qabteen, kuna tilmaamay mid halis ku ah ammaanka Somaliland iyo waddamada deriska ah.

“Markii u horeysay maaha, hore ayuu yidhi Hub khatar ku ah mandaqadda ayaanu qabannay, wax jira oo raadkiisa la hayona muu ahayn, malaha wuxuu isleeyahay gobolka ku xumee, laakiin ma oga inuu dacaayadaynayo guud ahaan nabadgelyada dalka, taasina wax-qabad maaha,” Sidaas ayuu yidhi Aqoonyahan Cabdirashiid oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Boorama.

Waxa uu badhasaabka gobolka Awdal ku eedeeyey inuu ammaan-darro ka wado gobolka Awdal, waxaanu yidhi, “Ramaax wuxuu meejiyey dacaayado fara-badan muddadii uu gobolka joogay, waxaanad mooddaa in loo soo diray inuu gobolkan ku abuuro qas iyo kicin, waxa la xidh-xidhaa dad safar ah ama suuqyada iska jooga oo lagu sheego jabhad, waxa la sameeyey kaantaroolo dadka lagu baadho oo Caanaleyda iyo Dadka magaalada u imanaya adeegga waddada loogu joogsado, waxa qalad ah in culays intaas le’eg la saaro gobolka. Waxaad mooddaa in laga raadinayo arrin an loo baahnayn oo xukuumaddu abuurayso.”

Isagoo hadalkiisa sii waday, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Annaga hadday taayada noqotana, siyaasad cad baanu ka yeelan doonaa, waxaanu gaadhsiin doonaa in badhasaabka gobolka la doorto ee aanu noqon mid la keenay meel aan la garanayn.”

Xukuumadda Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyey xoojisay hawl-gallada ciidamada ammaanka ee gobolkaas, kaddib markii ay soo-ifbaxeen malleeshiyo-beleedyo deegaanno ka tirsan gobolkaas ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo liddi ku ah ammaanka gobolka, kuwaas oo ka amar-qaadda Suldaan Abubakar Cilmi Wabar oo ku dhawaaqay inuu ka soo horjeedo jiritaanka Somaliland.

Malleesiyo beeleedkaas oo inta badan ka hawl-gala gudaha dalka Itoobiya, ayaa tiraba dhowr jeer weerarro aan khasaare badan geysan ka fuliyey deegaanno ka tirsan gobolka Awdal iyo sidoo kale gudaha magaalada Awdal ee xarunta gobolkaas.

SOMALILANDPOST.NET