Cabdillaahi Geeljire Oo Madaxweynaha Ku Eedeeyay In Aanu Dhex U Ahayn Bulshada

Hargeysa (SLpost ) Siyaasi Cabdilaahi Geel jire, ayaa Madaxweyne Biixi ku eedeeyey in aanu bulshada dhex u ahayn ee uu dhinac yahay,isla markaana aanu dhaadanay inuu bulshada dhex yahaya, waxaanay sheegay inay ahayd inuu bulshada isku jiido oo isku soo dhaweeyo.

 

Siyaasi Cabdilaahi Geel Jira ayaa hadalkiisu u dhignaa sidan “ Madaxweyne ayaa meesha jooga oo isagu weli u dhaqmaya inuu dhinac yahay , haddii ay beel tahay beel-nimo ayuu ugu jawaabayaa , haddii ay Xisbi tahay qof nimo ayuu ugu jawaabayaa , haddii ay dumartahay wuu u jawaabayaa isagii keligii ayuu shaqaynayaa ninkii Madaxweynihii ay ahayd inuu ummada isku jiido oo sifo shaqsi ah ayaad moodaa inuu u dareen-san-yahay xilka, ahayd inuu qofka inoo dhaxeeya ee ina hoggaaminaya ee inoo tanaasulaya ee inoo odayga ah uu noqdo ayuu ahaa,” ayuu yidhi Cabdilaahi Geeljire.