Cabdilaahi Abokor oo shaaciyey Farriimo Hanjabaado ah oo uu Khaatiyaan ka joogo iyo Ujeeddada ka dambaysa

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka ku-xigeenkii hore ee Waaxda Amniga Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa sheegay inuu khaati ka taagan yahay farriimo Hanjabaado ah oo dad aanu garanaynin maalin kasta ugu soo diraan telefonkiisa gacanta.

Cabdilaahi Abokor oo 11-kii Jan Cafis madaxweyne lagaga sii daayey Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa oo uu muddo todoba bilood ah ugu xidhnaa Xukun Saddex sannood oo maxkamadda gobolka Hargeysa ku ridday, kaddib dacwad la xidhiidha falal-ammaanka ka dhan ah iyo aflagaaddo uu wasiirro xukuumadda ay ka wada-tirsanaayeen kula kacay oo lagu eedeeyey, ayaa maalintii xabsiga laga sii daayey sheegay inuu dhowaan daah-furi doono buug uu ka qoray dhacdooyinkii uu kala kulmay Xabsiga Dhexe ee Hargeysa iyo dhacdooyinkii sababay xadhiggiisa oo ay ka mid yihiin wasiirro xukuumadda ka tirsan oo uu la xidhiidhiyey kooxaha Xag-jirka ah oo uu shaaciyey maalmo kaddib markii uu madaxweynuhu xilka ka qaaday bishii May ee sannadkii hore.

cabdilaahi AbokorCabdilaahi Abokor waxa uu sheegay in dadka Farriimaha Hanjabaadaha ah u soo dirayay ay ka daba-socdaan buugga uu soo bandhigi doono, waxaanu ku gooddiyey inaanay arrintani ka horjoogsan doonin soo-bandhigista buuggiisa oo uu ballan-0qaaday inuu dhawaan bulshada u soo bandhigi doono.

Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo maanta ka qayb-galay munaasibad ay qabsadeen ururka dhalinyarada ee JIIDALI, waxa uu ku baaqay in wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka dalka isla markaana dib lo saxo lana xaddido awoodaha ay leeyihiin shakhsiyaadka ku xeeran madaxweynaha si loo karantiimeeyo ku-takri falka awoodaha uu jideeyey dastuurka dalku.

HALKAN KA DAAWO CABDILAAHI ABOKOR OO KA HADLAYA ARRIMO DHOWR AH