Cabdicasiis Samaale oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Urur-diimeedyo lala xidhiidhiyo iyo Sheekhnimadiisa

Cabdicasiis Samaale oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Urur-diimeedyo lala xidhiidhiyo iyo SheekhnimadiisaHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay waxa ka jira urur-diimeedyo lagu xanto inuu ka tirsan yahay iyo sababaha ay loola xidhiidyo, waxaanu arrinaas ku tilmaamay mid salka ku hayso aflagaaddooyin siyaasadeed.

Wasiir Cabdicasiis Samaale, waxa uu sheegay arrintan lala xidhiidhiyo ay soo ifbaxday Xilligii Xukuumaddii UDUB oo uu sheegay in Madaxweyne Daahir Rayaale ku dhalleeyey isaguna uu eedayntaas iska difaacay, balse ay soo laba-kaclaysay wakhtigii uu shaaciyey inuu yahay Murashax madax-tinimada dalka u taagan wixii ka dambeeyey doorka labaad ee murashaxnimada Madaxwayne Axmed Siilaanyo.

Halkan ka daawo