Cabdicasiis Samaale oo Hanjabaaddii ugu Cuslayd u jeediyey Madaxweyne Siilaanyo (Daawo Muuqaal)

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inuu meesha ka saaray doorashooyin dalka ka qabsooma iyo tartan xalaal ah oo dhex-mara murashaxiinta ku loolaymsa Xisbiga Kulmiye, kaddib markii sida uu sheegay uu ku go’aan ku gaadhay inuu si badheedh ah ula saftay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Cabdicasiis Samaale oo ka mid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxweynimo ee gudaha Xisbiga Kulmiye looga dhex-taramayo, waxa uu sheegay inuu madaxweynuhu ku tuntay nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland isal markaana uu doonayo inuu nidaam kali-talisnimo ah oo hog madow ku ridaya rejada shacabka ku maamulo dalka.

SamaaleWasiirkii hore ee maaliyadda oo goor-dhawayd warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu nasiib-darro ku tilmaamay go’aanka uu taageeradiisa kula bar-bar istaagay Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo uu ku sheegay go’aan ay kula taliyeen dad aan nasteex u ahayn madaxweynaha.

Hadalka Cabdicasiis Samaale ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta ay xukuumadda Siilaanyo iska casileen 11 masuul oo isugu jira Wasiirro, Wasiir ku-xigeenno iyo Agaasimeyaal siyaasad ahaan ay isku feker yihiin is-bahaysiga Murashaxiinta Kulmiye oo ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Xildhibaan Kijaandhe oo saddexdoodu shaaciyey inay u taagan yihiin murshaxnimada Kulmiye.

Cabdicasiis Samaale oo muddo dhowr sanno ah hayey xilka Wasiirka Maaliyadda, ayaa horaantii sannadkan iska casilay wasaaraddaas kaddib markii madaxweynuhu u magacaabay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.