“Cabdi-weli dawladdiisa iyo xuduudkiisa waannu soo dhowaynaynaa… Siilaanyo-na ku taageeri mayno” – Guddoomiyaha Waddani ee Sanaag

Ceerigaabo (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Gobolka Sanaag, Daadey Jaamac Xasan, ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan Maamulka Cabdiweli-Gaas ee Puntland, isla markaana ay bulshada gobolka Sanaag ugu baaqaan shir deg-deg ah oo ay kaga arrinsadaan aayahooda iyo wada-noolaanshahooda.

DaadeyDaadeyDaadey Jaamac oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Ceerigaabo, waxa uu sheegay inaanany jirin wax colaad iyo nacayb ah oo u dhaxaysa bulshada Reer Sanaag iyo Dawladda Cabdi-weli (Puntland).

Isaga oo arrimahaas ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Aflagaaddada dadka derisyada annagu haddaannu nahay reer Sanaag raalli kama nihin, haddaanu nahay Xisbiga Waddani, waanu ka duwannahay gobollada kale raalli ka noqon mayno. Inaadeerkay Faysal Cali Waraabena waxan leeyahay godob nin kale leeyahay waxba ha isku gudbin.

Cabdi-weli dawladdiisa iyo xuduudkiisa waannu soo dhowanaynaa waayo dhiig, dhaqan, ganacsi iyo walaaltinnimoba way naga dhexeeyaan, wax cadaawad oo naga dhexaysaana ma jirto.
Hadday Hargeysa u haysato inay Puntland col la tahay annagu haddaannu nahay Ceerigaabo lama col nihin…waa war cad, Siilaanyo-na ku taageeri mayno.”

Guddoomiyaha  Xisbiga Waddani ee gobolka Sanaag waxa uu sidoo kale halkaas ka sheegay in xilligan nabadgelyo xumo ka jirto gobolka Sanaag isla markaana ay ku baaqi doonaan shir-weyne beelaha Sanaag kaga tashan doonaan nabadgelyada iyo wada noolaanshahooda. Isagoo arrimahaas ka hadlayana wuxu yidhi, “Gobolka Sanaag maanta amni darro ayaa ka jirta mushaharo la’aan baa ka jirta nabadgelyadooduna ma aha mid maanta la isku hallayn karo oo la odhan karo nabadgelyaa ka jita ciidammo dhan oo la qarameeyey oo tababbar kazoo baxay ayaa mushaharo la’ bulshadiina way kala wadajeeddaa. Waxannu ku baaqi doonnaa shir weyne beelaha Ceerigaabo oo aannu kaga tashan doonno nabadgelyadayada iyo wada noolaanshahayaga iyo wanaaggayaga shacabkayaguba maanta waa soo jeedaa isku dir iyo hebel baa mushaharkii idinka joojiyey iyo waxyaabaha socda aqbali mayno.”

SOMALILANDPOST.NET