“Cabdi Garaad (Qayaad) Iyo Maxamed Garaad (Ba’harrarsame), Waxaynu U Baahan-nahay Inaad Dhiiga Dhexdiina Joojisaan” Wasiirka Madaxtooyada

(SL.Post) Waxa maanta lagu dhaariyey min 45 oday oo ka kala tirsan labada ardaa ee Cabdi Garaad (Qayaad) iyo Maxamed Garaad (Ba’hararsame) kuwaas oo Colaadi ku dhex martay Koonfurta Gobolka Sool gaar ahaan deegaanka Dharkayn geeye dadna kala laayeen, ilaa hadda ay ku kala dhex jiraan Ciidammada qaranka Somaliland.

 

Dhaartan waxa goobjoog ka ahaa Weftigii Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiga KULMIYE ee ay hogaaminayeen Gudoomiyaha Xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Madaxtooyadda JSL Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, oo saaka soo gaadhay Laascaanood iyagoo ka soo kicitimay magaalada Taleex oo ay habeen hore u hoydeen.

Wasiirka Madaxtooyada oo ka hadlay munaasibadii dhaarta odayaashaasi ayaa meesha ka saaray inay Xukuumadda Somaliland ku lug leedahay colaada beelahaasi, isaga oo sheegay in labada beelood ee Qayaad iyo Ba-harrarsame ay Xukuumadda u siman yihiin caddaaladna ay ku maamulayaan.

Wasiir Xaashi ayaa munaasibadaasi oo maanta ka dhacday Hotel Xamdi ee Laascaanood ka jeediyey khubad waano, wacdi iyo garnasi ah oo ku aadan labadaasi beelood ee colaadu ku dhex martay koonfurta Sool, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaanu ahayn wefti magaalada Laascaanood socdaal kooban ku yimid, dhawr arrimood ayaa ujeedada socdaalkaygu ay daaranayeen u kuurgalka xaalada abaaraha dalka ka jira, adkaynta amniga gobolka Sool oo laba u kala kaca aminiga guud ee gobolka, ka caasimada iyo xalinta xaalada nabad-galyo darro ee labadiinan beelood ee walaalaha ah ee isbarbar fadhiya ee isku barada iyo baydka ah, in aanu soo ururino oo ka shaqayno qaabkii aad u nabdi lahaydeen Arrintan u dambaysa ee aynu maanta u wada joogno markaan soo qaato Xukuumad ahaan iyo dawlad ahaan culays wayn ayey nagu haysaa masuuliyadii ummadda ee ILAAHAY noo dhiibay walwalkeeda ayaanu qabnaa, dad walaaladayo ah oo is dilaya oo dhaleeyo ah,  aadbay culays noogu haysaa, mudana waxani way soo socdeen.”

 

“Walaalayaal marxalad ayeynu maraynaa in aynu colaadii gabagabayno kufino oo dhamayno, marxalad ayeynu joognaa aynu u baahan nahay nabad in aynu dhexdiina ka samayno, idinkuna aad dhexdiina ka samaynsaan, marxalad ayenu joognaa haddii aynaan colaadaa ururin oo soo afmeerin, uu dadka kalena colaadaa idinka qaado, cudurkuna wuu fidaa colaaduna way fidaa, dabadeedna marka dambe magaalada ayey xattabada iyo daaqadaha ka soo gali doontaa nin walibana wuxuu ka werweri doonaa cawo-bariga naftiisa, kuwa colaada wada ee maskaxda u ah ee laga yaabo inay dhufayso adag ugu jiraan ee idinka idinka mid ah ayey guryahooda ugu soo gali doontaaa oo lagu dilo doonaa, ama ku bixi doonaa, haddii is dayn waydaan. Kuwaa qurbaha ku maqan ee adduunka ku bixinaya colaadaa ayaa iyaguna xisaab adag ILAAHAY kala kulmi doona, waanay dhici kartaa in ILAAHAY masaa’ib kale ku salido.”

 

Wasiirka Madaxtooyada JSL ayaa sidoo kalena intaasi ku daray in la gaadhay wakhtigii la joojin lahaa Colaada Dharkayn geeyo waxaanu yidhi “ Waxaynu u baahan nahay in aynu maskaxda iyo caqliga ka shaqaysiino, waxaynu u baahan nahay in aynu ILAAHAY ka baqno, waxaynu u baahan nahay inaad dhawrtaan dhaleeyada, dhaqankiina iyo dhiig wadaagtiina, waxa aynu u baahan nahay inaad dhiiga dhexdiina joojisaan, ee aan waxba ku kordhaynin, ajar idiinku kordhi maayo, sharafina idiinku kordhi mayso, kala adkaan kari maysaan, ismana maquunin karaysaan, qolo qolo ma riixi karto, ILAAHAY-na meel buu idinku wada beeray, khasaaruhu wuu badan yahay laakiin wali waa kooban yahay waxa aynu u baahan nahay inaynu caqliga ka shaqaysiino. Anaga Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo odayga u yahay ee xisbiga KULMIYE walaalayaal arrintaasi way na damqaysaa,  saddex hal ayaan dhaabadaynayaa waa marka koowaadee iskumaanu kiin dirin “ Qoodhi fagaare ayey ka war sheegootaa”, waaba lays xantaa ayaa la yidhi waa ognahay in ragga qaarkii na tuhmay, waxaan leeyahay waar iskumaanu kiin dirin, ragga tuhunku galay waxaan leeyhay ILAAHAY-na waa ka markhaati Aadmiguna waa ka markhaati, ileyn meeshu waa gobol weyn oo waa lagu nool yahayee.”

“Laba haddii shaydaan isku kiin diray oo aad is dhiig-tallaasheen iskumaanu kiin eegin, waxaanu isku daynay tamar iyo taag waxaanu lahayn in aanu idin kala celino, adduun badan iyo maskax badan ayaanu galinay kala celiskiina, ciidammadii qaranka ee aanu u samanay inay dalkan ka difaacaan awoodo dibada kaga timaada ayaanu idinka idinku kala badbaadinay, sagaal guuto oo ciidan ah ayaanu halkaa gaynay, gaadiidkoodii ayaa ku baabay, naftoodii ayaa ku sillicday, way ku qaadheen siday sidaa u lignaayeen xogogaal ayaad u tihiin, reerahoodii xaasaskoodii iyo guryahoodii fasaxyadii ay u qaadan jireen ayaanu joojinay anagoo lexejeclo idinka leh, nin aana lexejeclo ka lahayn sidaa uma yeeshin, mu’aamarad iyo dhoola tus nagama ay ahayn ee ILAAHAY dartii iyo masuuliyada na saarana ayey naga ahayd.”

Maxamuud Xaashi ayaa waxa kale oo uu sheegay in dawladda Somaliland ay u kala duwan tahay khilaafka iyada iyo Khaatumo ka dhaxeeya iyo jirtaanka beeluhu waxaanu yidhi “Cabdi Garaad iyo Maxamed Garaad, anagu waxaanu idiin aragnaa laba reerood oo walaalo ah oo gobolka dega, oo qarankan xuquuq ku leh, wixii khilaafaad iyo wax kala tirsi ahi waa arin gaar ah, waxaanu nahay dad mudakar ah waayo arag ah, micno halkaa ka dayi mayno. Waxaan leeyahay khilaafaadka Somaliland iyo Khaatumo, iyo jiritaanka reeruhu waa noo kala gaar, iskagamay kaayo jiraan, imikaba khaatumo wadahadal ayaa noo socda, nabad ayaanu ku heshiinay, wixii noo dhaxeeyey wax gaar ah ayey ahayd, shalay ayey Khaatumo abuurayantay, reerahana waa reero soo jiray oo dhaqan leh, oo Ab leh oo isir leh waa dadkaanu is dhali jirnay, waa dadkanu wada degno, wax iskaga kaayo khaldan maaha, sabab raga qaarkii u tuhmo in aanu isku khaldano arrimaha qaarkii sax maaha jidna maaha.”

Wasiirka ayaa si gaar ah ula garnaqsaday beesha Ba hararsame waxaanu yidhi “ Waxaan si gaar ah u leeyahay hadal iyo ilkaba waa la cadeeyaa, beesha Maxamed Garaad (Ba hararsame) ma wada qabto cudurkaa laakiin ragg waaweyn oo ka mida ayaa laga yaabaa in dareen tuhun noocaas ahi uu ku jiro, waan saarayaa waxaan leeyahay Xukuumadda Somaliland, anigu waxaan ahay Wasiirka Madaxtooyadda gacan yaraha madaxweynaha ayaan ahay, waa meesha xog waliba timaado waana meesha cidkasta oo Madaxweynaha u socotaa timaado, xafiiskaa waar wax idinka dhan ah oo la idinku riixayo ama la idinku colaadiyaa cudurkaasi Madaxtooyadda Somaliland ma yaalo, Xukuumaddayaduna ma qabto, waxaan leeyahay waar haday ciddi u galaangal badan tahay madaxtooyada waa idinka, albaabka daaye daaqadahaan ka soo gali kartaan.  Waa nimankaa aad nagu jifaynaysaan ee dhex baanu idiin nahay daacadna waanu idiin nahay ee heshiiya.”

 

Somalilandpost.net