Cabbista Biyaha Kulul Oo La Ogaaday In Ay Cudurro Badan Dawo Ka Yihiin Iyo Waqtiyada Ku Habboon In La Cabbo

Washington (SLpost)- Daraasado tiro badan ooo marar kala duwan soo baxay ayaa daahfuray in cabbista biyaha kululi ay jidhka u leeyihiin faa’idooyin caafimaad oo aad u badan. Qormo lagu soo ururiyey faa’idooyinkaas kuwooda ugu mac oo Geeska Afrika uu Afsoomaali u rogay ayaa lagu sheegay in ay ka mid yihiin:

1. Cabbista biyaha kululi ay si weyn u kordhiyaan dhalaalka wejiga iyo quruxdiisa.

2. Waxa ay kor u qaadaan awoodda ay xubnaha jidhku u leeyihiin in ay si dabiici ah waajibaadkooda u gutaan.

3. Cilmibaadhis ay dhowaan sameeyeen xeeldheerayaal u dhashay dalka Jabbaan ayaa iyaduna daahfurtay in cabbista biyaha kululi ay dawo ka tahay xanuunno aad u badan oo ay ka mid yihiin; Madax-xanuunka, Dhiigkarka, Unugyada dhiigga cas oo yaraada, Suuxdinta iyo qallalka, Buurnimada, Hargabka, caabuqa dhuunta (Hunguriga), caabuqa ku dhaca dahaadhka sare ee caloosha, calool istaagga iyo casiraadda, Guud ahaan cilladaha caloosha, Asiidhka oo jidhka ku bata (Hyperacidity), Macaanka, Kansarka, Qaaxada iyo caabuqa sambabada, Kelyo xanuunka iyo cilladaha kaadi-mareenka, mushkiladaha sanka, dhegaha iyo dhuunta, dhibaatooyinka la xidhiidha dhiigga caadada, noocyada kala duwan ee wadne xanuunka iyo dhibaatooyinka la xidhiidha hab-dhiska neefsiga.

Habka la isugu daweyn karo cabbista biyaha kulul:

Warbixin ka soo baxday ururka Midowga Dhakhaatiirta dalka Jabbaan ayaa lagu faahfaahiyey habka ugu fiican ee uu qofku isugu daweyn karo biyaha kulul. Kaas oo ah sidan hoos ku xusan:

1. Subaxda hore marka hurdada laga soo kaco, waxaa uu qofku cabbayaa 4 koob oo ah biyo diirran, koobkii kastana qaadkiisuu yahay 160 ml, (Waxa ay in yar ka yar tahay qiyaasta caagadda biyaha sixada ee 2000 la siiyo). Biyuhu waa in ay diirrimaad noqdaan, calooshuna ay madhnaato. Waa in aanu qofku waxba afka gelin ugu yaraan 45 ka daqiiqo ee ka horreeyey markan uu biyaha diirran cabbayo isla markaana aanu cunto cunin illaa ay laba saacadood ka soo wareegaan markan uu biyaha cabbay.

2. Xeeldheerayaashu waxa ay sheegeen in dadka waaweyn iyo dadka bukaanka ahi ay bilowga hore dhibaato kala kulmi doonaan cabbista biyahan diirran, gaar ahaan aanay mar keliya wada cabbi Karin afar koob oo biyo ah, sidaa awgeed talada ugu fiicani ay tahay in ay marka hore ku bilaabaan biyo intaa ka yar, marka ay la qabsadaanna hadba in yar ku sii kordhiyaan, illaa ay maalmaha dambe gaadhsiiyaan Afarta koob muddo gaaban gudaheed.

Xigasho Geeska Afrika