Cabashooyinka ka Ooggan Qiime-bararka Maceeshadda iyo Sarrifka lacagta Qalaad ee Dalka oo maanta Kulan Xal loogu raadinayo laga yeeshay

Hargeysa (SLpost)- Kulan Saddex geesood ah oo ujeedadiisu tahay sidii wax looga qaban lahaa sicir bararka doolarka iyo maceeshada quutul daruuriga ah ayaa maanta xarunta golaha wakiilada Somaliland ku dhexmaray  wasaaradda Maaliyadda, Bangiga dhexe ee Somaliland iyo guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wakiilada.

Gudoomiyah baanka dhexe ee Somaliland Md cabdi Dirir cabdi ayaa ku macneeyey isbedelka sarifka lacagta shisheeye ee dalka lagu isticmaalo inay dhibato joogto ah ku hayso mujtamaca, kulamadana lagaga hadli doono sidii qiime la ogyahay loogu samayn lahaa sarifka Doolarka Maraykanka isla markaana dawladu siyasad cad uga yeelan lahayd

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Md Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isna kulanka maanta ka hadlay ayaa tilmaamay in wasaaradda maaliyaddu ay taageero diyaar ula tahay baanka dhexe iyo hay’adaha kale ee ku shaqada leh waxii lagu maareynayo sicir bararka lacagaha qalaad, halka sidoo kalena wasiirku u gudbiyey guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wakiilada warbixin ku saabsan miisaaniyad sanadeedka qaranka. Taasoo uu ku tilmaamay in ku talo galkii miisaaniyaddu uu sadexdan bilood ee u horeeya sanadka uu u soo baxay sidii loogu talo galay

Gudoomiayaha Gudig-hoosaad dhaqaalaha ee golaha wakiilada Somaliland Md Maxamuud Cumar Xaashi ayaa isna kulanka manta ka sheegay in la sii wadi doono kulamada noocan ah ilaa xal loo helo mashaakilaadka ku saabsan sicir bararka.

SOMALILANDPOST.NET