Khasaaraha Laba Qarax Oo Caawa ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi

qaraxNairobi (SLPOST) Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi dalka Kenya oo ay ku badan yihiin Soomaalida ayaa caawa fiidkii waxaa ka dhacay laba qarax, kuwaasi oo waxyeello ka soo gaadhay dad rayid ah oo ka dhowaa goobta uu qaraxa ka dhacay.

Qaraxyada ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo kala dambeeyay in ka yar toban daqiiqo, iyadoo qaraxa labaad uu geystay qasaaraha ugu badan, waxaana lagu tuuray bam gacmeed goob shaaha laga cabo oo gabdho Soomaaliyeed ay ku ganacsanayeen.

Ciidamada Booliska Kenya oo xidhay nawaaxiga goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa bilaabay baadhitaano la xadhiidha qaraxyada ka dhacay wadada 12-aad ee xaafadda Islii, iyagoona warbaahinta u diiday inay ogaadaan qasaaraha qaraxyada heerka uu gaadhsiisan yahay.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyada ay ku waxyeeloobeen ilaa shan ruux, kuwaasi oo aan la ogeyn xaaladooda in dhaawac soo gaadhay iyo inay goobtaasi ku geeriyoodeen, iyadoo ciidamada Booliska Kenya ay sheegeen inay warbaahinta u gudbinayaan qasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland