Caasimadda Libya oo ay Qaraxyo waaweyn gilgileen iyo qiiq sida daruuraha cirka qariyay

Tripoli, (SLpost)– Qaraxyo culculus oo gabi ahaanba ruxay caasimadda Libya ayaa maanta si wayn looga dareemay magaalada Tripoli, waxaana qiiq madow oo sida daruuraha oo kale ahii isku shareeray cirka ka dib markii xarun talis ciidan ah oo ku taala magaaladaas shilkani ka dhacay.

Sida dad goob joog ah iyo wakaalada wararka Faransiiska ee AFP ku warameen qaraxyadan ayaa ahaa kuwo is daba joog ah oo aan muddo saacad badhkeed ah aan kala gu’in, kuwaas oo ka dhashay ka dib markii uu qarax ka dhacay xarun bakhaar ah oo hubka lagu kaydin jiray. Xoogaga golaha ku-meel gaadhka Qaranka ee Libya xiligan maamula oo qaraxyadan ka hadlay ayaa sheegay inay ahaayeen kuwo si farsamo u dhacay, laakiin aanay ahayn weerar loo gaystay xaruntaas.

Xarunta qaraxyadani ka dhaceen ayaa ah, goob taliska ciidamada Bada ee bariga Tripoli isticmaali jireen, waxaana ka buuxay oo loogu yimi hub iyo kayd badan oo rasaas ah, lama garanayo sababta qaraxa dhalisay, hasa yeeshee afhayeen u hadlay golaha ku meel-gaadhka Qaranka Libya ayaa sheegay in qaraxu ka dhasay dab iyo waxyaabo kale oo rasaasta iyo baaruuda bakhaarkaas ka buuxday huriyay, laakiin baadhista oo rasmi ahii dhawaan soo bixi doonto.

Lama sheegin cid wax ku noqotay laakiin qaraxyadan oo dhacay wakhti dadku soo wada toosay jidadka goobtaa ku dhawina mashquul ahaayeen, ayaa argagax iyo cabsi ku abuuray markii hore dadka, waxaanay ahaayeen kuwo xoog u culus, dadka qaar ayaa mooday in diyaaradaha dagaalka ee NATO duqeeyeen goobta, halka kuwo kalana u qaateen in weerar is miidaamin ah lagu qaaday saldhiga.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net